Bulsho Ka Goโ€™an , Warna U Hayn Xadaaradda!

0
60

Bulshada lagu magacaabo Waakhi ee degan dalka Afkhaanistan ayaan war u hayn in dalkooda muddo dheer uu ku socday duulaan dhinaca Maraykanka. Guud ahaan bulshadani waxay ku nooshahay buuralayda Waakhan oo ku taalla xadka ay ku kulmaan Afkhanistan, Pakistan iyo Dajakistan.

Tira koobka qabiiladan ayaa lagu qiyaasay 12 kun, mana yaqaaniin Laydh, telefoon, Radio iyo Vedio midna. Eric Forge oo ah sawirqaade Faransiis ah ayaa dalxiis ku soo maray dhulkaasi bishi August sanadkii 2017. Bulshadan ayay noloshoodu ku xidhan tahay beeraha iyo xoolaha oo ay dhaqdaan. Guryahoodan waxay ka dhisaan dhagax iyo qaabab dabiica ah.

Wargeyska Daily Mail ayuu hogaamiyaha qabiiladan u sheegay in goobta fog ee ay degan yihiin sabab u tahay sida ay uga goโ€™an yihiin dunida kale. Dhinaca Caafimaadka qaabkii dhirta ee qadiimiga ah ayay isticmaalan. Ma adeegsadaan lacag sidaa awgeeda dharka waxay ka helaan askarta ciidamada xadka maraya oo ay kaga bedeshaan adhi.