Qiso: “Dhiranaantu Waa Qalbiga Maaha Jidhka”

0
48

Laba nin oo dhoowaca ah ayaa Isbitaal hal qol wada jiifay, qolkuna wuxu lahaa daaqad keliya. Kan dhinaca daaqada xigay dhaawac aad uu culus ma qabin, laakiin kan kale ayaa dhaawac weyn oo aanu ka fadhiisan Karin qabay.

Ninkan daaqada xigay wuu fadhiisan karayay, marka kasta kan kale wuxu uga sheakayn jiray waxa uu daaqada ka arkaayo, waxaana uu ku odhan jiray daaqadu waxay ku beegan tahay beer weyn oo cagaar ah oo raaxo oo dad badani isugu yimaadaan. Waan ku indho doogsanayaa.

Subixi danbe gabadhii kalkaalisada caafimaad waxay la kulantay ninkii daaqada xigay oo dhintay , ka dib qolkii ayaa la qaaday. Ninkii kale ayaa ka codsaday in sariirtaa daaqada isaga la bedelo, waana laga ogolaaday.

Markii sariirta daaqadii loo geeyay ayuu isku deyay inuu daaqada eego, laakiin ila fadhiisto ma arkaayo, ka dib wuxu isku deyay inuu fadhiisto inkasta oo uu aaminsana in aanu fadhisan kari ugu danbaystii wuu fadhiistay , daaqadii ayuu eegay mise gidaar ayaa ku gudban oo waxba lagama arkaayo.

Isagoo fadhiya oo yaaban ayay usoo gashay gabadhii kalkaalisada oo iyaduna la yaabtay sidan uu caafimaaday ee uu fadhiyo. Ka dibna wuxu ku yidhi “ Ninkii halkan jiifay ee dhintay muxuu beenta iigu sheegi jiray oo u odhan jiray daaqadaa beer qurux badan ayaa ka daawanaya “? . Kalkaalisada ayaa ugu jawaabtay “ Ninkaasi wuu idho la’ laakiin adiga ayu ku dhiirgelinayay oo u doonayay inaad fadhiisato, maanta waadiga fadhigii isku deyay ee awooday, dhiraaranatu waa qalbigee maah jidhka”