Dad Badan Ayaan Garan Wanaagga Uu Haysto!

0
56

Nin wanaagsan ayaa maalin nin ka soo doonay gabadh uu dhalay inuu u guuriyo , aabaha ayaa ku ogolaaday waxaan uu yidhi “ meherkeeda waxaad soo qaadi doontaa kiish basal ah “

Ninkii aad ayuu farxay waana ogolaaday sifdaasi loogu guuriyay deegankiisana ula tegay.

Muddo danbe oo ay wiil u dhashay ayay ku tidhi “ waxaan doonayaa inaad reerkaygiii soo bookhdo oo aad adiguna ii raacdo“ , waana uu ka ogoladay.

Laakiin waxa jiray webi u dhexeeya oo laga taalabo, markii ay soo gaadheen wiilka yar isaga siday, iyana way daba socotay. Markii uu isaga iyo wiilkisa ka talaabeen ayay gabadhiisi ku sibtay oo ku qaylisya ibadbaadi. Laakiin wuxu ugu jawaabay “ Anigu halis is gelin maayee, kharash iguma joogtid is badbaadi! “.

Nasiib wanaag way badbaaday Markii ay aabaheed iyo qoykeedii u yimaadeen arinkii ayay u sheegtay. Aabaheedna wuxu ku yidhi “ Inantayda ku raacin mayo mar danbe ilaa aad keento kiish dahab ah” . Markii uu noqday ee wiilkiisa kaxaystay ayuu dhib kala kulmay korintii ilmihiisa ka dib wuxu soo uruusaday kiish dahab sii uu gabadhiisa ula soo noqdo.

Markii odaygii u keenay ayuu raaciyao markii ay webigii gaadheen ayuu  xambaaray isagoo ku heesaya “ Gabadhayday qaali ayaad igu joogtaa waana inaan ku badbaadiya”.

Aabaha ayaa markii kelmadihi loo sheegay qoslay oo yidhi “ markii aan kula dhaqanay akhlaaqdayadii wuuna khiyaameeyay, markii akhlaaqdiisa kula dhaqanay wuu na ilaaliyay”. Dad badan ayaan dhinaca wanaagsan fahmin, ilaa dhinaca xun xaashidiisa loo soo rogo oo u akhriyo.