Amin Kasta Ka Faa’idayso Noloshu Way Kooban Tahay!

0
48

Calool-xumada, xaasidnimada, sharaf dhaca, Caajiska, Cabsida, Tamar-darrada, Hunguri waynida, Bakhaylnimda, Cadawnimada iyo Dulmiga intuba waa Shar iyo ficilo khariban oo Allah (sw) laga magan galo, mar kastana waa inaad ka barido in uu kaa badbaadiyo.

Qorshaha iyo nidaamka wanaagsani waa muftaaxa guusha, ku dadaal in aad mar walba samayso qorshe waxqabad, cabashada joogtada ahi waxay keenta murugo iyo dib u dhac, iyo dadka oo kugu naca, kana fogaada goobta aad joogto.

Dambiga aad gasho ha ka warwarin inta uu le’eg yahay waayo marna kama wayna naxariista Allah sidaa darteed Isaga u noqo (toobad) waana inaad go’aansato in aanad ku noqon.

Iska jir gacan adayga, waxa aad sadaqaysato ayaa kuu ah hanti. Sadaqaddu waxay ka bilaabanta guriga (Qoyska).

Nolosha waa wakhtiyo kooban, Amin kasta sida uu yahay uga faa’iidayso. Qiyaas waxa kuu soo kordhay ama kaa dhacay dhinaca horumarka. Waxa kaa khaldamay ama aad saxday, dhamaan waa in mar walba aad tahay qof dhinac kasta ka miisaaaya oo la socda.

Murugada iska jir waayo nafta way gubta, maskaxada way disha, waxay ku tusta dhamaadka nolosha. Waxa kale oo ay farxad galisaa cadowgaaga, waxay muujisaa ducfigaaga, waxay kaa dhigtaa qof liita.

Mar kasta oo aad cabasho badato waxa sii kordhaya mushkuladda ku haysta, laakiin mar kasta oo aad xalkeeda raadiso waxa sii yaraada mushkuladda aad ka cabanayso. Sidaa darted jooji cabashada oo ku dhaqaaq xalka arinka.