Dadku Waxay Isku Dhaafeen Dadaalka!

0
88

Xarafyada IQ waxay ka taagan yihiin labada kelmadood ee “intelligence quotient” oo noqonaysa maskax badani. Waa imtixaan lagu qiyaaso laguna falanqeeyo maskxada qofka iyo sida ay suurtagal u tahay inuu fahmo ugana jawaabo weydiimaha degdeg ah.

Imtixaankii ugu horeeyay ee ee lagu qiyaasayay IQ waxa laga sameeyay dalka China sida la sheego iyadoo halkaasi lagu qaaday imtixaan lagu qiyaasay IQ dad isu sharaxay maamulka dalka qarnigii 16aad.

Laakiin sida loo qiimeeyo ayaa aad u kala duwan waxaana la sheegay inay ku kala duwan tahay jawaabaha qofka uu bixinayo marka uu haraadan yahay, daalan yahay ama murugo iyo ariimo kale haystaan, kuwaasi oo maskaxdiisu mashquul ku tahay arrimaha hor yaalla.

Waxa kale oo la sheegay in dadka badankoodu ay yihiin kuwo isku dhow xagga fahamka iyo fikirka laakiin ay ku kala hor maraan dadaalka iyo juhdiga ay bixiyaan, taas oo noqotay halka ay dadku iyo bulshooyinku isku dhaafeen in ay tahay dadaalka ay bixiyaan