Go’aan Qaadashada Fiican!

0
87

Nin caaqil ah oo dhalay saddex wiil ayaa ka fikiray inuu baro casharo dhinaca nolosha  ah, si aanay arimaha ugu degdegin isla markaana u hubsadaan go’aankooda. Ninkaasi ayaa wiilashiisa uu diray geed ku yaal meel ka durugsan wakhtiyo kala duwan,

Marka uu ka soo noqdona weydiiya waxa uu ku soo arkay. Wiilkii weynaa wuxu u diray wakhti Jiilaal ah, kan labaadna wakhti Gu’ ah, kii sadexaadna wakhti xagaa ah.  Wiilka hore wuxu sheegay inuu geedku engagay, kan labaadna wuxu sheegay inuu soo arkay geed wada magoolay oo qurux badan. Kii sadexaadna wuxu sheegay inuu soo arkay geed midho bixiyay oo bisaaladay.

Aabaha ayaa u sheegay inay dhamaantood run sheegayaan mid kastaana wakhtiga u tegay sidii uu ku arkay ka waramay. Waxaana uu ku waaniyay in aanay arimaha ku go’aan qaadan wakhti iyo hal mar keliya waayo haddii geedka lagu go’aan qaato jiilaalka uu engagay,  waxtarkiisa oo dhan ayaa la waayi lahaa, go’aankuna wuxu  u baahan yahay hubsiimo iyo warbixin dhamaystiran.