Gudoomiyaha UCID oo Cambaareeyay Mawqifka Dowladda Jabuuti ee Is-Fahamka Somaliland iyo Itoobiya

0
107

Hargeysa (Dawan) Guddoomiya xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyay mawqifka ay dowlada Jabuuti kaga soo horjeedsatay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiya ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X, ama Twiterr, ayaa doqoniimo ku tilmaamay hadal uu wasiirka arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf kaga soo horjeestay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya.

“Waa hadalkii ugu doqoniimada badnaa ee wasiir arrimo dibadeed kasoo yeedha, dowlada Jabuuti madaxbannaanida Somaliland meel ka xun Soomaaliya ayay ka taagantahay ilaa markii Somaliland ay madaxbannaanideeda lasoo noqotay”Ayuu yidhi Guddomiye Waraabe.

Wasiir Yuusuf oo waraysi kooban siiyay MMTV, ayaa sheegay in dowlada Jabuuti ay taageersantahay madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana aanay aqbalayn in Somaliland ay Soomaaliya ka godo.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa bilowgii sannadkan gaadhay heshiis dhigaya in Somaliland ay Itoobiya ka kirayso 20 kilo mitir oo Badda Cas ah, oo ay Itoobiya saldhig ciidan ku yeelanayso, Itoobiyana ay Somaliland aqoonsato.