Maamulka Gobalka Hawd iyo Ka Baligubadle oo Shir ka Yeeshay ka Hortagga Xanuunka Shubanbiyoodka

0
83

Baligubadle (Dawan) Maamulka Gobalka Hawd iyo ka degmada Baligubadle ayaa shir ka yeeshay ka hortaga Xanuunka shubanbiyoodka ee ka jira dalka Itoobiya.

Maayarka Magaalada Baligubadle Shiine Cabdi Hayaan iyo Guddoomiyaha Gobalka Hawd Ceeleeye Xuseen Aadan ayaa waxa ay sheegeen in shir ka yeesheen ka hirtaga xanujnka shubanbiyoodka,madaaamada Gobalka hawd ku yaalo xuduud.

Maayarka Magaalada Baligubadle Shiine Cabdi Hayaan ayaa waxa uu tilmaamay in looga baahanyahay bulshada ku nool Gobalka hawd in ay nadaafada ilaaliyaan.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu iskugu nimid ka hortaga xanuunka shuban biyoodka,cudurkaas oo ka yimid dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.waxa aynu ku naalaa xuduud waxaana laynooga baahanyahay ka hortaga xanuunka shubanbiyoodka iyo wacyigalin,waxaana aanu ku wacyigalinaynaa bulshada ku nool Gobalka hawd in nafaadada ilaaliyaan oo ay iska nadiifiyaan qashinka gurigooda yaala,”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobalka Hawd Ceeleeye Xuseen Aadan ayaa waxa usoo jeediyay bulshada ku dhaqan gobalka hawd in ay ka feejignadaan xanuuaanka shubanbiyoodka.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu iskugu nimid gudida ka hortaga xanuunka shuban biyoodka, waxaana aanu ka wadahadalnay in wacyigalin la sameeyo iyo in guddiyo heer degma la sameeyo,waxaana aan farayaa shacabka Gobalka Hawd iyo degmada Baligubadle in ay ka feejignaadan xanuunka shuban biyoodka oo ilaaliyaan fayodhawrka biyo sifeeyaha ha isticmaalaan,”.