Wejiyada Yaabka Leh Ee Nolosha Maraykanka!
Xasuuqa loo yaqaan “xasuuqii Hindida cascas” waa dhacdo gaar ah oo ay si ula kac ah loo gumaaday dad aan iska difaaci karin oo ahaa shacab rayidka ah oo aan isdifaaci karin Karin.
Sanadkii 1730 baarlamaanka Maraykanka ayaa ansixayay xeer ogolanaaya in la gumaado oo la dabar jaro dadkii Hunuudda Cascas ee dalka loogu yimi (Red Indians). Weliba intaasi keliya muu ansixin waxa la socday in qofka dila nin Hindida cascas ah la siin doono abaal marin 100 Ginni, haddii uu dilo gabadh ama ilma yarna la siin doono 50 Ginni.
Dadkaasi umay dhiman xanuuno laakiin hogaamiyihii Maraykan ee dhalashadiisu ahayd Ingiriiska Jeffrey Ohurst ayaa xarumo caafimaad oo Hindidu lahayd u qaybiyay bustayaal watay bakteeriya kuwaasi oo ku faafiyay xanuunka daacuunka oo galaaftay malaayiin ka mid ah dadkaasi, waxaana ay noqotay dagaalkii bakteeriyo ee ugu horeeyay.
Qoraaga Kitaabka “The right to sacrifice” Muniir Alcakshi ayaa buugiisa ku qoray in Hindida cascasi ay tira koobkoodu ahaa 112 malyuun, laakiin markii lagula kacay dabar goyntaasi ay gaadheen 4 malyuun keliya.
Bulshadan markii sida xayawaanka loola dhaqmay waxay ku khasbanaadeen in miiska wadahadalka ay la fadhiistaan Maraykanka iyagoo ay ka muuqato dulli, bahdilaad baabiinta ku dhacday awgeed. Waxaana lagu khasbay madaxdii qabiilooyinka inay sexeexaan warqad ay ku qorayd in qabiiladani ka fogaato dhulkeeda oo dhan.
Madaxa bulshada Sauk Hinidada cas oo noolaa isagu qarnigii 19aad Mr.Black Hawk ayaa yidhi “ Waxaan ka tanaasulay magaalooyinkayagii, waan ku raacsanahay sidaa waxa loo yeelay sidii nafo loo badbaadiyo iyadoo lagu sexeexay baal shimbireed”
Hawk ma ahayn nin wax qora ama akhriya laakiin haddana wixii ay awowyaashii qoreen ayaa lagu xukumay. Dhulka ay degan yihiin dadkani oo in ka badan qarniyo lagu khasbay ayuu wargeysku ku sheegay in loo yaqaan dhulka xayawaanka, waxaana ku badan shaqo la’aanta iyo daroogada, inyar oo ka mid ah ayaa noloshan xun ee adag ka baxsaday oo ka cararay.
Maxmiyadahan Hindida cascas ee Maraykanka sida uu tilmaamay wariyaha Maraykanka ahi ee “ Nike Cola Kauski” , waa kuwa dunida dhamaanteed ugu saboolsan, waxaad ku arkaysaa Eyda lunta, baabuur gabowday, iyo buul yaryar oo qiiq ka soo baxayo iyo kharaabadaha mukhaadaraad kala duwan laga helo.
Bulshadan sida weriyuhu cadeeyay kuma raaxaystaan barnaamijka xukuumadda iyadoo ay adag tahay inay shaqo helaan dadka da’doodu gaadhay 23 sano. Cadaadiska haysta awgeed waxay samaysteen maamul iyo hay’ad u gaar ah, waxaana lagu magacaabi jiray hay’adda caafimaadka dadka asalka ah.
Maamulaha hay’adaasi Vander ayaa yidhi :” Xaruntan dadka asalka ah dawaysaa waxa ay buux dhaaftaa maalmaha Jimcaha halkaasi oo ay yimaadann dumar iyo caruur ka cabanaya dhaawacyo iyo xanuuno kala duwan.
Waxaana ay ku taallay dabaqa labaad guryaha ardaydu galaan ee jaamacadda Oklahayo.Xukuumadda Maraykanka ayaa ku soo rogtay sanado badan inay dadkaasi la midoobaan dad kale iyagoo ka mamnuucay luqaddii asalka ahayd ee ay lahaayeen iyo dharkii ay dhaqan ahaan u xidhan jireen. Waxa kale oo loo diiday caadooyinkii cibaadaysiga aha ee ay lahaayeen (Sioux). Sorce : Starttimes