Ciidamada illaalada Xeebaha Somaliland oo Qabtay 170 Qqof oo Tahriibayaal ah

0
57

Ceerigaabo (Dawan):-Ciidamada  illaalada Xeebaha Somaliland saldhiga saddexaad Gobolka Sanaag ayaa gacanta ku soo dhigay 170 qof oo  tahriibayaaal ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Itoobiya oo isugu jira rag iyo dumar.

Hawlgal ay Ciidanka illaalada Xeebaha ee Gobolka Sanaag   ka sameeyeen  deegaanka Waqadariya xeebaha bari ee Gobolka Sanaag ayaa lagu soo qabtay tahriibayaasha iyo  Doonidii ay  ku Tahriibayeen,

Tahriibayaashan oo ku socday dalka Yemen  ayaa lagu soo xidhay doontii ay wateen  Saldhiga Ciidanka ilaalada xeebaha ee Gobolka sanaag.

Sidoo kale Ciidanka ayaa waday labadii bilood ee ugu danbeeyey hawlgalo lagu sugayo amniga badda iyo la-dagaalanka budhacad badeed argagixisada iyo kaluumaystada sifada sharci darad ah uga kalluumaysta Badda iyo tahriibka.