Wasiirka Biyaha oo Bulshada ugu Baaqay inay ka Faa’ideystaan Biyaha Roobka

0
60

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Kheyraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa bulshada dalka ugu baaqay inay qabsadaan biyaha roobka, isla markaana ay ka faa’iidaystaan.

Wasiirka Saleebaan ayaa sidoo kale soo jeediyay in qof kast oo reer Somaliland ah uu gurigiisa u sameeyo Majaroor uu ku qabsado biyaha roobka, si loo yareeyo baahida biyood ee jirta, loogana faa’iidaysto biyaha roobka oo aanay si dhayal ah inoo dhaafin.

Wasiirka Kheyraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sidoo kale waxa uu sharaxaad ka bixiyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la qabsado biyaha roobka, oo uu ka waramay inay waxyeelo gaysan karaan haddii la qaban waayo keenina karaan inay burburiyaan jidadka iyo sidoo kale guryahaba.

Wasiirka Kheyraadka Biyaha ayaa sidoo kale faray dhammaan xarumaha dawladda dalka inay sameeyaan Barkado dhulka hoostiisa ah oo lagu kaydiyo biyaha roobka si ay uga faa’iidaystaan.

Wasiirka ayaa ka waramay in Bani’aadamku aanu noolaan kari biyo la’aan, loona baahan yahay si looga hor tago biyo yaraanta in xiligan aynu ku jirno ee ay curteen roobabku in qof kastaa dhankiisa ka qabto biyaha si loo yareeyo waxyeeladooda, una noqdaan kuwo sidii loo baahnaa looga faa’iidaystay, loona maareeyay habkii ugu haboonaa ee wax-soo-saar loogu samayn lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in intii uu joogay wasaaradda uu sameeyay Barkad wayn oo dhulka hoostiisa ah oo lagu qabto, laguna kaydiyo biyaha roobka si looga faa’iidaysto.