Laamaha Ammaanka Somaliland oo Digniino Culus Dul Dhigey Dhallinyarada.

0
107

Hargeysa (Dawan) Taliyaha hawl gelinta ciidanka booliska Somaliland Ibrahim Cabdi Maxamuud, ayaa   sheegay in masuuliyiintii nabadgelyada ee ciidanka booliska iyo  kuwa wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ay kawada hadleen sidii loo sugilahaa nabadgelyada ciida Soonfureed.

Sidoo kale waxa uu xusay in la isla qaatay in siwada jira looga hawlgalo sugida amniga magaalooyinka waa weyn ee Somaliland oo dhan.

Geesta kale waxa uu dhallinyarada uga digey in maalmaha ciida ay safraan magaalada Berbera iyo baddeeda.

Waxanau yidhi.“Magaalada gudaheeda waxa caado noqotay in dhallinyaro badani ay gaadiid soo kaxaysato, xata kuwa aan sharci lahayn, Ma wanaagsana in maalinta ciida baabuurta laameyda laysugu keeno, farxada socodka ciida ka wanaagsan marka salaada la soo tukado in la dhex maro magaalada, meheradaha furna ee awal xidhna laga shaaho, wax laga iibsado, balse ninkasta haddii uu yidhaahdo baabuur ayaan kaxaysanaya, waliba dhallinyarada  nabadgelyo daro ayaa ka imankarta iyo khasaare taasina waanu ka digeynaa.

Xilka naga saaran amniga wasaaradda arrimaha gudaha iyo ciidankeeduba inay diyaar u yihiin, wixii uu ka qaban karo haddii ALLE yidhaahdo.

Dadweynaha waxa aanu ka codsanayna in ay la shaqeeyaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo ciidanka booliska, wixii la garan waayona loo soo sheego booliska.

Waxa aanu dhallinyarada kula talinayna in aan badda la tagin sababto ah waxa laga yaaba inay is cidhiidhiyaan isla markaana nabadgelyo darro ka dhallato, waanu ka digeyna in aan Berbera lagu yaacin iyo baddeeda,”

Dhanka kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha JSL, Mudane   Cabdillaahi Xuseen Maxamed ayaa  soojeediyay in labada cisho ee ciida yareeyo isla markaana la xadido dadka badda gali kara.

Wasiirku ciidamada kala duwan ee sugayay amniga suuqyada magaalooyinka waa weyn ee dalka ayuu uga mahadceliyay sida ay heeganka ugu ahaayeen habeen iyo maalin.

Waxaanu yidhi.“Waxaanu soojeedinayna in labada cisho ee ciida la yareeyo oo la xadido dadka badda gali kara, dhalinyaro lagu soo tabcay oo laga yaabo in qaarkood qoysaskooda u shaqaynayeen ayaa markay badda tagaan ku dhaca oo ku dhinta.

Ciidamada kala duwan ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo dhan heeganka ku jiray aad ayaan ugu mahadnaqayaa, hawsha weyn ee ay qabteen iyo sida ay uga shaqaynayeen nabadgelyada