Wasaaradda Kalluumaysiga oo Furtay Olole lagu Darsayo Suuqyada Kalluunka Somaliland

0
169

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda kalluumaysiga iyo hor-u-marinta xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa daah furay olole lagu darsaayo suuqyada kalluunka, si loo ogaado iibkiisa iyo fayo dhawrkiisa.

Wasiirka Wasaaradda kalluumaysiga iyo hor-u-marinta xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo ka hadlay goobtii lagu kala diraayey kooxahan ka hawlgelaaya ololahan ayaa sheegay in dhammaan gobollada dalka uu ka bilaabmi doono Barnaamij olole ah oo lagu xaqiijinaayo xaaladda ganacsi ee kalluunka ee dalka, waxa aanu cadeeyey in ololahan laga fulin doono goboladda Maroodijeex, Saaxil, Awdal, Sanaag iyo Togdheer.

Wasiirka Wasaaradda kalluumaysiga iyo hor-u-marinta xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in ololahani muddo socon doono, iyada oo lagu baadhaayo fayo dhawrkiisa,iibkiisa iyo dhaq dhaqaaqiisa ganacsi, si xog buuxda looga helo.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Axmed Aadan Rooble iyo sida oo kale Ismaaciil Mirre Faarax oo ah agaasimaha waaxda Kalluumaysiga Wasaaradda kalluumaysiga iyo hor-u-marinta xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland,waxa aanay tilmaameen in gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka bilaabi doonaan olole lagu hubinaayo,laguna xaqiijinaayo halbeegga ku haboon ganacsiga kalluunka dalka,iyada oo si gaar ah loo eegaayo caafimaadka kalluunka ganacsiga loo geeyo suuqyada kalluunka ee goboladda dalka.

Ololahan ayaa sida oo kale lagu tirakoobayaa goobaha ganacsi ee iibiya Kalluunka, iyada oo tira koobkan ay wasaaraddu ka samayn doonto gobolladda dalka Somaliland oo dhan.