Ciidanka Dabadamis Somaliland oo Lagu Tababarayo Qalabka Samatabixinta Shilalka

0
53

Hargaysa (Dawan) Ciidanka Daba-damis Somaliland ayaa loo qabtay tababar lagu barayo qabalka samatabixinta shilalka oo baahi aad u wayn loo qabay.

Tababar ku saabsan Qalabka Samatabixinta ee lagaga hawlgalo Shilalka ( Rescue Tools for Road Traffic Collision) ayaa ka Qabsoomay Taliska guud ee ciidanka Dabdemiska.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa shalay tababar ku saabsan Shilalka Gaadiidka iyo habka looga hawlgalo ( Road Traffic Collission) qaybtiisii labaad oo ah qalbka Samatabixinta (Rescue Tools) u Qabtay Saraakiisha Ciidanka Dab-demiska.

Tababarkan ayaa Taliyuhu si faahfaahsan ugu sharaxay habka looga hawlgalo shilalka Gaadiidka iyo qalabka Samatabixinta ee ku haboon ee la isticmaalo iyo liiska qalabkaasi.

Saraakiisha ayaa halkaa ka faa’iideystay qaybtan labaad , kaasi oo muhiim u ah hawlgalada maalinlaha ee ciidanku qabto.

Tababarkii hore ayaa ku saabsanaa hab-dhismeedka Gaadiidka iyo kala duwanaanshahooda.