Gudoomiyaha Baanka JSL Wuxu Xakameeyey Sarif Bararka Lacagta Qalaad

0
54

Dal kasta oo ka mid ah dalalka Caalamka shacabkiisu wuxuu lasoo baxaa midhaha Beeraha ama macdanaha Dabiiciga ah ee ALLAH ku manaystay dhulkooda Bad iyo Bariga labadaba,

Sidaasi awgeed waxa Tusaale kuugu Filan duruufta wakhtigan ka Taagan Caalamka ee u sababay Dagaalka Dalalka Reer Galbeedka iyo RUUSHKA oo Qaarada Afrika ku keenay sixir Bararka midhaha Beeraha ee Qamadiga iyo Galayda oo aad iyo aad usaameeyey Guud ahaan Dalalka Dunida Seddexaad ay ugu yeedhaan Reergalbeedku.

Hadaba waxa muhiim ah inaynu ogaano sababta keentay in Dagaalka u dhexeeya Dalka Ukraine iyo Ruushka uu saameeyo Dalalka Dunida guud ahaan gaar ahaan Dalalka Afrika,

Sababtu waxa weeye Dagaalka cuntada ee ay wadaan wadamada Reergalbedku oo bilaabmay 1948 kadib Dagaalkii Labaad ee Aduunka waxay Reergalbedku go.aansadeen inay Hirgaliyaan Hayad lagu magacaabo Ha,ayda Cuntada Aduunka oo layidhaa (WFP) taasi oo kartaroosha waxsoosaarka wadamada Dunida Seddexaad si loola dagaalamo waxsosaarkoda iyo Dabargoynta Siidhkooda.