Dublamaasi Maraykan oo isu bedelay basaas ayaa lagu xukumay 15 sano

0
67

Diblomaasi hore oo mar soo noqday safiirka Maraykanka ee Bolivia ayaa lagu xukumay 15 sano oo xadhig ah kadib markii lagu helay uu wakiil basaas u ahaa Cuba.

Victor Manuel Rocha, oo 73 jir ah, ayaa si qarsoodi ah xogta ugu gudbin jiray dowladda Cuba in ka badan 40 sano, sida ay sheegeen dacwad oogayaashu.

Bishii Febraayo, Rocha wuxuu bedelay go’aankiisii hore oo uu beenin jiray denbiga lagu soo oogay waxaana uu qirtay wixii uu sameeyey.

Kiiskii basaasnimada ayaa ka mid ah denbiyada ugu sareeya ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Kuuba.

Isaga oo ku labisan dharka xabsiga Jimcihii, Rocha ayaa maxkamadda federaalka ee Miami: ka yidhi “Waxaan qirtay dambiga.”

Xabsiga ka sokoow, Rocha waa inuu sidoo kale bixiyaa ganaax dhan $500,000 Dollar.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Merrick Garland ayaa dambiyada Rocha ku tilmaamay “mid ka mid ah kuwa ugu sareeya uguna nudada dheer ee dowladda Maraykanka uu ku sameeyo wakiil ajnabi “.

Rocha ayaa ka soo jeeda dalka Laatin Amerika ee Colombia, wuxuuna wax ku soo bartay jaamacadaha Yale iyo Harvard, waxa uu ahaa safiirka Maraykanka ee Bolivia intii u dhaxaysay 1999 iyo 2022, iyo sidoo kale meelo kala duwan oo kale ayuu hawlo diblomaasiyadeed ka qabtay sida Argentina, Honduras, Mexico iyo Jamhuuriyadda Dominican.

Ka dib markii uu dhamaaday shaqadiisii ​​dublamaasiyadeed, Rocha waxa uu lataliye u noqday taliska koonfureed ee ciidamada Maraykanka, kaas oo kormeera dhammaan Latin America iyo Kariibiyaanka – oo ay ku jiraan Kuuba.

Wareysi uu siiyay BBC-da, madaxii hore ee sirdoonka CIA James Olson ayaa sheegay in kiiskan uu astaan ​​u yahay sida ay sirdoonka Cuba u “garaaceen” cadowgooda Maraykanka tobaneeyo sano.

” Way na lahaayeen,” ayuu yidhi Mr Olson. “Taasi waa mid ka mid ah sababaha aan u qabo nacaybka shakhsi ahaaneed ee ka dhanka ah sirdoonka Cuba sababta oo ah waxay ku guulaysteen hawlgallo naga soo horjeeda.”

Mr Olson waxa uu Rocha ku tilmaamay “khaa’in”.

“Wuxuu dalkayaga khiyaamay,” ayuu yidhi. “Waxaan u maleynayaa inay taasi tahay wax la quudhsado, mana u maleynayo inuu mar kale arki doono iftiinka maalinta.”