Tababarayaal Ruush ah oo gaadhay Niger xilli uu billowday heshiis milateri

0
63

Tobaneeyo macalimiin ah oo ka tirsan militariga Ruushka ayaa gaadhay dalka Niger, si ay qeyb uga noqdaan heshiis cusub oo ay la galeen ciidamada militariga dalkaasi, kaas oo xidhiidhka u jaray reer galbeedka.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ay la yimaadeen hab casri ah oo difaaca hawada ah.

Waxaa la filayaa in ay rakibaan nidaamka oo ay baraan ciidamada Niger sida loo isticmaalo.

Dalkan Galbeedka Afrika waa mid ka mid ah dalalka gobolka Saaxil ee ay Milaterigu la wareegeen xukunkii waxaanay xoojinayaan xidhiidhka kala dhexeeya Ruushka.

Afhayeen u hadlay dowladda militariga Niger ayaa Jimcihii sheegay in Ruushka ay u joogeen dalka si ay u tababaraan askarta.

Kooxda difaaca ee Wasaaradda Difaaca Ruushka ee Afrika, sidoo kale loo yaqaan Ruushka Expeditionary Corps (REK), ayaa ku qoray Telegram in tani ay tahay kooxdii ugu horreysay ee adeegayaal iyo mutadawiciin ah oo taga Niger.

Muuqaalka laga baahiyey TV-ga dawlada ayaa lagu arkayey macalimiin Ruush ah oo diyaarad xamuul ah ka degaya oo ay ka buuxaan qalab.

Dalalka isbahaysiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee dawladaha galbeedka Afrika, ee loo yaqaan Ecowas ayaa dhaleeceeyey qaab dhaqanka Niger, waxaana la sheegayaa in ay Niger ka baqayso fara gelin kaga timaada dalalkaa.

Kabir Adamu, oo ka tirsan hay’adda sirdoonka ee Beacon Security, ayaa sheegay in Niger ay ku sii dhawaanayso dalal ka baxsan ururka reer galbeedka oo ay ku jiraan Ruushka, Shiinaha iyo Iran. Waxa uu sheegay in uu ka cabsi qabo in isbahaysiga uu la leeyahay Ruushka uu ku dhiiri galiyo taliska milatariga in uu dib u dhigo dib ugu soo noqoshada xukunka rayidka ah, sida ka dhacday dalka deriska la ah ee Mali. Abdel-Fatau Musa, oo ah guddoomiyaha Ecowas ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amniga, ayaa xusay in Niger ay ku socoto wadadii Mali iyo Burkina Faso – saddexda waddan waxay samaysteen isbahaysi milatari.