Askari Boolis ah oo Fal Budhcadnimo ku kacay oo Xukun Adag lagu Riday

0
64

Hargeysa (Dawan) Maxkamadda ciidamada darejada koobaad ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland, ayaa todoba sano ku xukuntay askari boolis ah oo fal budhcadnimo ah ku kacay.

 

Askarigan booliska ah ee falka budhcadnimada ah ku kacay ee xukunka adag lagu riday ayaa baadhay laba haween ah oo degan degmada Axmed Dhagax.

 

Warkan ka soo baxay taliska ciidanka booliska ee xukunka adage e ku dhacay askarigan ayaa u dhignaa sidan.

 

“Maxkamadu waxa ay u gudubtay difaacii eedeysanaha, kaas oo isku difaacay dhaar, sidoo kale maxkamaddu waxa ay dhageysatay gaba-gabada maxkamadda xeer ilaalinta, iyo qareenka eedeysanaha, gaba-gabadii maxkamadu waxa ay dhageysatay codsiga eedeysanaha, kaas oo maxkamadda ka codsaday cadaalad.

Sidaasi darteed maxkamaddu waxa ay soo saartay xukunkan, maxkamaddu waxay ku xuntay danbiilahan todoba sano oo xabsi ciidan ah, iyo qiimihii mobilka uu dhacay isaga iyo eedaynayaasha maqani, oo qiimihiisu yahay 85 dollar.

 

Dable Maxamed Cabdi Xariir oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska JSL kaasi oo isagoo dirayska ku labisan degmada Axmed Dhagax ku baadhay laba dumara oo sugaayay Bas , taariikhdu markay ahayd 28-3-2024 , waxaana ku wehelinaayay laba eedaysane sida ay qabatay Camera CcTv.

 

Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa markiiba waxa uu hawlgal iyo baadhid ku sameeyay kiiskaasi waana la soo qabtay Askarigaasi , iyadoo degdeg loo horrgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida , taasi oo maanta xukun ku riday .”