Dullucda Baaq Culus oo Xukuumadda Somaliland u Dirtay Beesha Caalamka

0
71

Hargeysa(Dawan)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashigacaalamiga ah Rooda Jaamac Cilmi ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay tixgeliyaan aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sidaasna waxa ay ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barteeda X (Twitter)  waxaannu u qornaa sidan:-

 

“Jiritaanka Somaliland wuxuu ahaa mid ka duwan oo gaar ka ah maamuladii kale ee Soomaaliya, waxana Somaliland ka hor iyo kadib markii ay madaxbannaanida ka qaadatay Inigiriiska ay ahayd mid jirtay oo iskeed u taagan.

 

Waxa kaloo  muran ma doon ah 33kii sannadood ee u dambeeyay ee Somaliland madaxbannaanideeda la soo noqotay 1991kii.   Somaliland waxay  madaxbannaanayd waqti ka badan intii ay Soomaaliya kula jirtay midowga. Waxa JSL midowgaas   kala kulantay faqooq, kala qaybin iyo dagaal dhaliyay xasuuq ay dawladdii Soomaaliya ku samaysay shacabka Somaliland.”

 

 

Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibaddu waxa ay intaas ku dartay in boqolkiiba 75 bulshada Somaliland ay yihiin dhallinyaro da’doodu ka hoosayso 40 jir, taasina ay caddayn u tahay in inta badan jiilka cusubi ay garanayaan uun oo kaliya calanka Jamhuuriyadda Somaliland ee akhtarka, cadaanka iyo casaanka iskugu jira, kaasi oo ah calaamad u taagan madaxbannaanida qarannimadooda kaasi oo ku dhisan  rabitaankooda.

 

 

Wasiir Rooda Jaamac waxa ay ugu baaqday beesha caalamka inay xushmeeyaan xaqiiqada  himilada Somaliland ku doonayso inay ku noqoto dal la aqoonsan yahay mar labaad ka mid noqda dawladaha adduunka.”