Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Jaaliyada Reer Somaliland ee Dalka Sucuudiga la Dardaarmay

0
62

Jidah (Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa habeen hore Magaalada Jiddah ee Dalka Sucuudiga loogu sameeyey Munaasibad Ballaadhan oo ay soo agaasimeen Jaaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Magalada Jiddah.

Munaasibada ayay isku xog-waraysteen wasiirka amuuraha gudaha iyo Jaaliyada Jamhuuriyadda ee dalka Sucuud Carabiya intii ay socotay Xalfadda soo dhowaynta ah, ayaa wasiirku waxa uu  warbixin buuxda ka siiyey Jaaliyada Somaliland Xaalada Dalka, sida Horuumarka iyo nabad-gelyada, waxaana halkaasi la isku dhaafsaday macluumaadka dalka iyo sidii loo qaabayn lahaa wada shaqaynta Jahliyada Sucuudiga iyo masuuliyiinta dalka.

Wasiir Kaahin ayaa ku booriyay Jaaliyada Somaliland ee dalka Sucuudiga inay ka qayb qaataan dedaalada Ictiraaf raadinta iyo xidhiidhada lagu gaadhayo danaha dalka.