Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyay Dalladda Sama-wade oo Kusoo Biiray kana soo Baxay Waddani

0
60

Hargeysa (Dawan):-Xisbiga Kulmiye ayaa shalay ku soo dhaweeyay xarunta  dhexe ee Xisbiga Kulmiye  Dalladda Sama-wade oo ka dhisan degmooyinka Gacan-libaax iyo Macallin Haaruun oo ka soo baxay Xisbiga Waddani kuna soo biiray Xisbiga Kulmiye.

Dalladda Sama-wade oo ka dhisan degmooyinka Gacan-libaax iyo Macallin Haaruun ee ka soo digorogtay Xisbiga Waddani  ee ku soo biiray Xisbiga Kulmiye ayaa masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye ku qaabileen xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Hargeysa.

Waxaana soo dhaweeyay  Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar Guddoomiyaha Gobalka Maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Hadhiye iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye.