Sheekada Faadumo Biixi: Mugdigii Dhalay Iftiinka W/Q: Ibraahin Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’

0
65

Hargeysa (Dawan):- “Waxaan ku guulleystay in halkii noloshaydu ku gashay mugdiga, aan arko mar labaad iyada oo ka soo ifaysa, oo nasiib u helo inaan wax ku barto.”-Faadumo Biixi Kooshin

 

Waa waqti galabnimo oo jimce ah. Waa horraantii 1993-dii. Waxa ku lammaan dhallin la gedo ah oo faceeda ah. Waxa ay isla garteen bannaanka duleedka gurigooda inay ku soo ciyaaraan. Meel aan ka durugsanayn waxa ku daadsanaa biraha hadhaagii dagaallada. Waxa ay kolkaa gargaraacaysaa bir miino ah oo nooca jalfista loo yaqaan ah. Waxyeellada iyo dhibta ay soo gaadhsiin karto ma dhaadana oo aqoon uma laha, oo weli waa carruur!

 

Waxa ay indhaha kala qaaday iyada oo ku jirta xaalad ku duwan tii ay nafteeda ku ogayd. Waxa ay dhex jiiftaa goob go’yaal cadcad iyo sariirihii bukaanku yaalliin. Waa dhisme duug ah oo burbur xooggani ka muuqdo. Waa dhakhtarka weyn ee Hargeysa. Tira ba dhawr mar bay isku dayday inay kacdo oo way awooddi weyday. Waxa lagu wargeliyay inay miino ku qaraxday oo ay labadeedii lugood ku weydday!

 

Waqtiga ay dhakhtarka ku jirtey waxa yimi wefti ka socday Qaramada Midoobay oo kormeerayay xaaladda dadka dhibtu ka soo gaadhay miinooyinka. Indhaha weftigu waxa ay qabteen Faadumo Biixi oo ah shakhsiyadda aynu ka sheekeynaynno. Maalmahaas ayay abuurantay fikradda ah in la aas’aaso xarun lagu daryeello dadka naafada ah, isla markaana loogu sameeyo lugo macmal ah [Artificial limps]. Faadumo Biixi, waxa ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee lugo macmal ah loogu sameeyo xarunta Bisha Cas ee daryeelka dadka naafada ah.

 

Nasiib wanaag, mar kale waxa yimi wefti balaadhan oo ka socday Qaramada Midoobay. Maalmahaas waxa qabanqaabadiisa la waday shir lagu falanqaynayay miinada iyo waxyeelladeeda oo ka dhacayay magaalada Geneva ee wadanka Switherland. Faadumo, waxa ay nasiib u yeelatay loona doortay inay shirkaa qayb ka noqoto. Hadaljeedin baa la siiyay ay kaga warramaysay dhibaatada miinada iyo sidii dunida looga cidhibtiri lahaa.

 

Shirkii kolkii uu soo xidhmay ee ay gebagebadii taagan tahay ayaa Faadumo la weyddiyey waxa ay codsan lahayd oo loo qaban lahaa? Sida oo kale, waxa ay u soo jeediyeen inay wadankan isaga noolaan karto, isla markaana loo samayn doono wax kasta oo ay jeceshahay oo guri, waxbarasho, caafimaad, qoyskeeda oo loo soo kaxeeyo, IQK. Da’ ahaan faadumo waa sagaal jir. Intaas aynnu kor ku xusnay oo ay nolosha Yurub ku heli lahayd ma dooran. Garashada Alle ha u dhawro e, waxa ay codsatay in dugsi waxbarasho laga dhiso goobtii ay dhibtu ka soo gaadhay. Haa, waa halkii miinadu kula kacday ee ay labadeeda lugood ku weydday. Alxamdullilaah, codsigeeda waa loo aqbalay. Bishii Juun ee sannadkii 1996-dii ayaa la dhammaystiray dhismihii dugsiga iyada oo loogu magacdaray loona bixiyay Faadumo Biixi. Mar ay ka dareen celinaysay farxadda ay dareenta maalintii iyada ah, waxa ay tidhi: “Waxaan ku guulleystay in halkii noloshaydu ku gashay mugdiga [waa halkay lugaheeda ku weydday ee miinadu kula kacday], aan arko mar labaad iyada oo ka soo ifaysa, oo nasiib u helo inaan wax ku barto.”

 

Faadumo Biixi, waxa uu Alle ugu deeqay garasho dheer iyo dareen wadanimo. Waa labo shay oo iskaabay. Dheef kasta iyo wax kasta oo ay shakhsi ahaan u heli lahayd waxa ay ka doorbidday wax dan guud ah oo bulshada wada gaadha inuu noqdo. Bilmetel, isweyddii kolkii loo soo bandhigayay guri, caafimaad, waxbarasho iyo nolol Yurub ah oo ay ku noolaato, go’aanka ay qaadatay!

 

Faadumo Biixi, marna ba ismay dhiibin. Marna qalbigeeda kuma soo dhicin naafo ayaad lugaha ka tahay ee guriga iska fadhi. Waa ta ku dhiirratay halkii ay lugaheeda ku weydday inay qalinka iyo buugga ka billawdo oo ay tuurto dhiishii jahliga iyo waxbarasho la’aanta. Faadumo, waxbarasho ilaa heer jaamacadeed ayay ka gaadhay waanay dedaashay xaqiiqdii. Bogaadin balaadhan iyo mahadcelin bay mudan tahay Faadumo Biixi. Hammigeeda waxa kammid ah inay mar uun aragto dugsiga loogu magacdaray oo ilaa heer jaamacadeed gaadha. Haa, waa isla goobtaas oo dugsigii sare iyo jaamacaddii ba kulansatay. Waa Fadumo Bixi University. Alle ha ku guuleeyo riyadeeda quruxda badan.

 

Waxa igu soo dhacay ereyo ku jiray maansadii aqoonsi ee abwaan Xasan-Weedhsame:

 

Is aqoonso waa talo
Sirta uunku waa adi
Abuurtaadu waa madi
Maskaxdaada awrani
Ubbo weeye qaad wayn
Haddii aanad agabarin
Waa ABEESO kula taal.

 

Tixraac:

 

  1. Ismaaciil Tukaale (2015) Qisooyinka Kuwii Guuleystay (ed.1)