Maanka Aadamiga Iyo Fikirkiisa!

0
63

Daraasad la soo saaray ayaa muujinaysa in caqliga aadamigu uu xajmigiisu ka yar yahay kuwii dadkii hore. Waxa kale oo ay daraasaddu cadaysay in 20 kun oo sano uu maanka ninku hoos u dhacay qiyaas dhan 1500- 1350 cm. Sidaasi oo kale ayuu kan dumarku isna hoos ugu dhacay. Laakiin daraasada ayaa intaasi ku daray in inkasta oo xajmigu is bedelay haddana uu u shaqaynayo una fekerayo si wanaagsan oo aan waxba ka duwanayn marka uu qaabkiisu weynaa.ย  Daraasaadda ayaa intaasi ku dartay in arintani cadaynayso in aadamiga ay ku sii kordhayso nacasnimadu madaama uu yaraanayo maanka firkikiisu.

Koox culimo Maraykan ah ayaaย  iyana sheegay in ilmaha ku jira uurka hooyadu uu maqli karayo heesaha iyo hadalada kale ee ay ku hadlayaan waalidiintiisu. Daraasadda ayay ku sheegeen in wejiga ilmaha uurku is bedelo maraka uu debeda ka mqalo wax farax geliya. Waxayna sheegeen in ilmaha yari uu mararka qaarkoodย  u muuqdo inuu sacabka tumaya farxad darted isagoo caloosha hooyadii ku jira.