Sadex Caruur ah oo Ku Naf Waayay Roobab Ka Da’ay Gobolka Saaxil

0
54

Laasciidle (Dawan) Sadex caruur ah ayaa ku naf waayey daad kasoo rogmaday Roobab xoogan oo ka dayey deeganka xididaalay ee Degmada Laasciidle ee Gobolka Saaxil.

Roobabka ayaa gelinkii dambe shalay(Doraad) iyo habeenimadii xalay(habeen hor) ka dayey deegaankaasi.

Gudoomiyaha degmada laasciidle Aadan Cumar Cali ayaa noo sheegay inay daadkan oo ka soo rogmaday buuralayda koonfurta laasciidle inay sababeen dhimashada 3 caruur oo ku suganaa gurigooda oo kuyaalay baadiyaha deeganka xididaalay , sidoo kale waxaa uu sheegay inay daadku qaateen xoolihii oo ay ku jiraan Awrtii la raran-jiray .

Waxa uu intaasi uu raaciyey inay daadadkani ka badbaadeen ilaa shan qof oo kale oo ay qaateen , gudoomiyuhu waxaa sheegay inay wadaan tira koob ku saabsan khasaaraha roobabku u gaysteen dadka reer guuraga ah ee deeganadaasi, taasi oo ay rabaa inay ku ogaadaan khassaraha dhanta ah ee uu gaystay roobkaasi ka da’ay deegaanka Laasciidle iyo deegaanada hoos yimaada.