Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Saaxil oo la Shirtay Cisbitaaladda Gaarka loo leeyahay

0
35

 

Qormada Koowaad ee Barnaamijka Caafimaadka ee Wargesyka Dawan Todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa wasaaradda horumarinta Caafimaadka gobolka Saaxil oo kulamo gaar gaar ah la qaadatay dhammaan masuuliyiinta goobaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay.

 

Qoramadeenan Koowaad waxa aynu ku eegi doonaa ujeedada ka danbaysa kulamadan ay wasaaradda Caafimaadku la qaadatay xarumaha caafimaad ee gaarka loo leehaya iyo waxayaabaha ay ka wada hadleen.

 

Ujeedooyinka kulamadani ugu muhiimsanaa ee ay ka wada hadleen wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo masuuliyiinta xarumaha gaarka loo leehayay ayaa waxa ugu waynayd in la iska kaashado sidii bulshada looga wacyigalin lahaa cudurka shuban biyoodka oo meelaha qaar dalka lagu arkay, si loo badbaadiyo caafimaadka iyo badqabka bulshada ku nool gobolka Saaxil.

 

Haddaba Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gobolka saaxil oo uu horkacayo Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Saaxil, oo ka duulaysa dardargellinta bixinta adeegyada Caafimaadka ayaa shir la yeelatay goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ee ku yaala Gobolka Saaxil.

 

Shirkan oo lagaga wada hadalayay laguna gorfaynayay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Gobolka iyo goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

 

Sidoo kalena waxaa lagaga wada hadalayay shirkan, oo laysla qaatay in la kordhiyo wada shaqayntii wanaagsanyd ee ka dhaxaysay Xarumaha Caafimaadka ee gaarka loo leeyahay iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka si loo ilaaliyo bedqabka Caafimaadka bulshada reer Saaxil iyo waliba sidii looga wada shaqayn lahaa, Wacyigallinta xanuunka shuban biyoodka oo ka dilaacay qaar ka mid ah goboladda dalka