Waxay Rabeen Macaash Laakiin Way Khasaareen!

0
41

Sanadkii 1947 markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee dunida waxa kor u kacay qiimaha shaglaydhka qiyaas dhan 60%, waxaana uu gaadhay  kartoonka yari 8 senti. Arinkaasi aya keenay in caruurtu aad u cadhooto oo ay joojiyaan cunsita shaglaydhka. Waxaa ay isugu yimaadeen xarunta degmada Ladysmith.

Warkaasi ayaa markii danbe dalka Kanada ku faafay taasi oo keentay in iibka shaglaydhku uu aad hoos u dhaco si xawli ah  taasi oo keentay in shirkadda iibkeedu uu aad isu dhimo qiyaas dhan 80% , arinkaasi ayaa ku khasabtay shirkadda inay hoos u dhigto qiimaha shaglaydhka halkiisana ku celiso.

Kacdoonkan ayaa taariikhda ku galay inuu yahay banaanbixii ugu yaabka badna ee dunida ka dhacay mid ka mid ah.