Cisbitaalka Hargaysa oo Laga Hirgaliyay Xarun Lagu Tallaalayo Xanuun Halis Ku Ah Bulshada

0
85

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Cisbitaalka Hargaysa ayaa waxa lagu soo kordhiyay, isla markaasina laga daah furay xarun lagu tallaalayo xanuunka halista badan ee Joonis cadka (Hepatitis B), kaas oo khatar ba’an ku haya dadka reer Somaliland.

Cudurka Joonsi cadku waa xanuun siyaabo kala duwan loo kala qaado, kuna keena qofka halis caafimaad haddii aanu dhakhaatiirta caafimaadka si joogta ah ula socon.

Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Hargaysa ayaa bulshada la wadaagay inay soo kordhiyeen xarunta tallaalka ka hor tagga xanuunka Joonis cadka (Hepatitis B), kaasi oo hore uga maqnaa Cisbitaalka, waxaanu bulshada ugu baaqay inay iska tallaalaan cudurka Jooniska oo ah mid halis badan.

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan ayaa faahfaahinka bixiyay siyaabaha ay dadku kula qaadi karaan xanaankan Joonis cadka. Oo uu xusay in laga qaado xuntada aan nadiifta ahayn, biyaha aan nadiifta ahayn iyo sidoo kale in hooyadu ay u gudbin karto ilamaha, sidoo kale in lamaanuhu ay isku gudbin karaan haddii uu mid qaado cudurkan, waxaanu Agaasimuhu intaasi raaciyay in sida kaliya ee lagu yaran karo faafista cudurkan ay tahay in bulshadu ay qaataan talaalka ka hortaga cudurka Joonis cadka oo ay hadda soo kordhiyeen.

Agaasimaha ayaa sheegay in xarunta talaalka cudurka Joonis cadku ay shaqayn doonto sideeda subaxnimo ilaa labada duhurnimo maalintii,  waxaanu intaasi ku daray oo uu bulshada Somaliland la wadaagay in qiimaha lagu talaalayaa uu yahay mid aad u macquul ah, sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay in talaalkan ay soo kordhiyeen uu yahay mid tayo leh oo aad loo hubiyay, kalsooni badana ay ku qabaan.

Cudurka Joonis cadku waa mid aanu qofku dareemin ilaa uu si aad ah ugu faafo jidhkiisa, wacyiga bulshada ee xanuunkanina waa mid aad u hoosaysa, balse bulshada inta dareensan khatartiisu waxa ay talaalka ka hortaga ka qaadan jireen Cisbitaalada gaarka loo leeyahay, balse hadda waxa ay si toos ah uga helayaan Cisbitaalka Hargaysa.

Gebo’gabadii Cisbitaalka guud ee Hargaysa ayaa waxa ka socota dib u habayn lagu samaynayo waaxaha uu ka kooban yahay Cisbitaalku iyo sidoo kale in dib loo tayeeyo dhammaan agabka caafimaad ee yaala Cisbitaalka, si loo helo caafimaad tayo leh oo ay bulshadu ku soo hirtaan.