Guddoomiyaha Baanka Dhaxe oo ka hadlay Ahmiyada Qaranka uu u Leeyahay Xeerka Rahanka Hantida Ma,guurtada ah

0
120

Hargeysa(  Dawan):-Guddoomiyaha  Baanka  dhaxe  ee  Somaliland    Eng  Cali  Cabdilaahi  Daahir  ayaa  ka  hadlay  ahmiyada  qaranka  uu  u  leeyahay    Xeerka  rahanka  hantida  maguurtada  bangiyada  oo  hor  yalla  Golaha  Wakiilada.

Cali  Cabdilaahi  Daahir  oo  shalay  kulan  la  qaatay  gudida  dhaqaalaha  ee  Golaha  Wakiilada  ayaa  sheegay  inay  sharaxaad    ka  siiyeen  gudida    muhiimada  xeerka  rahanka  hantida  ma  guurtada  ah  ee  babgiyada  uu  u  leeyahay  kobaca  Ganacsiga,

Cali  Cabdilaahi  Daahir  oo  Arimhaasi  ka  hadlayayna.Waxa  uu  yidhi”Waxa  aanu  Golaha  Wakiilada  u  nimid    Xeerka  rahanka  bangiyada  oo  hor  yaalla  Golaha    Wakiilada,oo  aanu  u  sharaxno  ahmiyada  xeerkaasi  u  leeyahay  qaranka  iyo  kobaca  Ganacsiga  guud  ahaan,waa  xeer  uu  soo  curiyay  Baanka  dhexe  oo  Golaha  Wasiirada  ka  soo  gudbay.imikana  hor  yaalla    Baarlamaanka,muhiimad  gaara  ayuu  inoo  leeyahay  Xeerkani  qaran  ahaan  iyo  bulshada  iyo  hay,adaha  Maaliyadeed.  waxaanu  fududaynayaa  Ganacsiga  iyo  maalgashiga    oo  qofka  muwaadinka  ah  ee  hantida  maguurtada    lihi    hantidiisa  dayn  maalgashiya    kaga  qaato  bangiyada,hadii  lacagtaasi  usoo  noqon  waydo  bangiyaduna  ay  xaraashi    karaan  hantida  maguurtada  ah  ee  cidda    daynta    qaadatay    in  badan  ayaana  la  sugayay  xeerkan,”.