Mudaneyaasha Golaha Guurtida oo dood ka Yeeshay Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidamada Qaranka

0
81

Hargeysa(Dawan):-Fadhigaas  Golaha  Guurtida  Somaliland  ee  Shalay  oo  uu  shirguddoominaayey  Guddoomiyaha  Golahaas  Mudane-  Saleebaan  Maxamuud  Aadam  ayaa  Mudanayaasha  Golahaasi  waxay  dood  kaga  warameen  xeerka  Nidaamka  Garsoorka  Ciidamadda  Qaranka  Somaliland,iyagoo  doodoodaas  ku  xusey  qoddobo  kala  duwan  oo  ay  wax  ka  baddel  iyo  kaabis  ku  sameeyeen,  isla  markaasina  waxay  shirguddoonka  Golahaas  si  wado  jir  ah  uga  dalbadeen  in  Guddi  kooban  loo  saaro  xeerkaas,  si  ay  u  soo  naaqishaan  xeerka.

Geesta  kale  Guddoomiyaha  Golaha  Guurtida  ayaa  Mudanayaasha  Golahaas  ku  wargaliyey  inay  guddo  galayaan  fasax  kooban  mudada  ka  hadhsan  Munaasibadda  Dabaal  Degga    Xuska  18  May    oo  maalmo  kooban  inaga  xigaan,  waxaanu  Guddoomiyuhu  kula  dardarmay  mudanayaasha  Golahaas  inay  kala  qaybqaataan  xuskaas  Bulshadda  ku  ku  nool  Goboladda  iyo  Degmooyinka  ee  Dalka.