Hargeysa: Shaqaale u ku dumay Dhisme ay ka Shaqaynayeen

0
81

 

 

Hargeysa(Dawan):-  Shaqaale  ka  tirsan  shaqaalaha  dhismaha    oo  shubayay  isla  markaana  ka  shaqaynayay  dhisme  ku  yaalla  xaafadda  Masalaha  ee  Caasimadda  Hargeysa  ayuu  kusoo  dumay  dhismihii.

Shaqaale  ka  koobnaa  lix  Nin  ayuu  ku  dumay  Dhisme  ay  shubayeen  kuna  yaala  xaafada  Masalaha  ee  magaalada  Hargeysa.

Ciidanka  Dabdemiska  ayaa  markiiba  goobtaa  gaadhay  si  degdeg  ahna  dhaawacyadii  u  qaaday,  una  gaadhsiiyay  Cisbitaalka  weyn  ee  magaalada  Hargeysa,  halkaas  oo  lagu  dabiibayo.

 

Shilkaa  ka  dib  ciidanka  dab-damiska  caasimadda  Hargeysa  ayaa  farriin  u  diray  shaqaalaha  dhismaha  ka  shaqeeya  iyo  shirkadaha  wax  dhsa  ba.

“Muwaadiniinta  iyo  shirkadaha  dhismaha  waxaan  uga  digaynayaa  marka  ay  dhismayaasha  samaynayaan  inay  dabaqaan  nidaamka  badbaadada.

Hadii  aad  la  kulanto  masiibo  dab  soo  wac  lambarka  gurmadka  degdega  ah  ee  990  shirkadaha  Telesom/Somtel.”