“Meelaha qaarkood 20 sanadood in ka badan ayaanu ka shaqaynaynay oo aanu ilaalinaynay…” agaasimaha Candlelight

0
88

Guud ahaanba adduunku waxa uu ku kala duwan yahay nooleyaasha ku kala dul nool, iyo qaabka uu dhul ahaan u kala gedisan yahay sida buurraha, banaanka, kaymaha, badda, Webiga, iyo qaybaha kale ee uu dhulku u kala baxo.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka mid tahay wadamadda uu Juquraafi ahaan dhulkeedu aadka u kala duwan yahay, iyadoona uu dhulkeenu isugu jiro buuraley, dhul-cawseed, kaymo, bad, iyo meello isugu jira burro, iyo dhul-kaymeed.

Meelaha kala duwanaanshiyaha dhulka uu ka jiro ayaa loo arkaa in ay ka jiraan waxyaabo ama ku nool yihiin nooleyaal kala duwan oo qayb kala gedisan kaah, isla markaana uu abuurkoodu aad u kala duwan yahay.

Nooleyaasha kala duwan ee ku nool dhulka kala gedisan ayaa la tilmaamaa in ay sanadan danbe saamayn ku yeelatay isbedelka cimiladdu, iyadoona ay taasi sababtay in ay meesha ka baxaan qaybo badan oo ka mid ahaa nooleyaashii hore ugu noolaan jiray aa caanka ku ahaayeen deegaamadaasi.

Si wax looga qabto dhibaatadan soo waajahday nooleyaashii ku noolaan jiray dhulalka kala duwan ee ay sababtay isbedelka cimiladu ayaa keentay in ay dhamaadaan xayawaano iyo nooleyaal kale oo lagu yaqaanay goobahaasi.

Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda ee Somaliland iyadoo ka duulaysa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkaasi soo waajahay nooleyaashii ku noolaan jiray deegaamadda qaarkood ee sii dabar-go’aya ayaa waxay samaysay qorsheyaal wax lagag qabanayo arrintaasi.

Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa kulan ku saabsanaa astaynta aagaga leh kala duwanaanshiyaha noole ee Somaliland, iyo sidii loo maarayn lahaa.

Waxaa dhawaan magaaladda Hargaysa lagu qabtay kulan ku saabsanaa astaynta aagaga leh kala duwanaanshiyaha noole ee Somaliland, iyo sidii loo maarayn lahaa. Kuwaasoo ay ka mid yihiin dhulka isugu jira buurraha ee ay ku nool yihiin nooleyaasha kala duwani.

Shirkaasi waxaa furay wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare. Waxaana soo qaban qaabisay haayadda waddaniga ah ee Candlelight oo kaashanaysa wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka.

Kulankaasi oo socday muddo saddex maalmood ah waxaa intii uu socday diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ay waajahayaan goobaha leh muhiimadda kala duwanaanshiyaha noole, isla markaana kuwa hadda jira loo horumarin lahaa, kuwo cusub na loo astayn lahaa.

Waxaana shirkaasi ka qayb galay aqoon yahano isaga kala yimid dalka gudihiisa, iyo dibadiisaba. Muhiimadda shirkani waxaa sharaxaad ka bixiyay  C/rasaaq Libaax, oo ah agaasimaha haayadda wadaniga ah ee Candlelight.

C/rasaaq Libaax, agaasimaha haayadda wadaniga ah ee Candlelight ayaa sharaxaad ka bixiyay shirkani iyo u jeedadiisa, waxaanu tilmaamay in meelaha kala duwanaashiyaha nooleyaasha laga helo ee Somaliland ay ka mid yihiin fara badan yihiin, sida Gacan-libaax, Daallo, Wagar, Libaaxyalay, iyo meello kale

Isagoo u jeedadda shirkani ka warbixinayayna waxa uu yidhi “Shirkani wuxuu daaran yahay sidii loo ilaalin lahaa, ama loo qorshaysan lahaa goobaha kala duwanaashiyaha noolaha ee ka jira dalkeenna. Waxaa jiray dhul badan oo dadkeenu aad u yaqaaneen, sida Gacan-libaax, Daallo, Wagar, Libaaxyalay, iyo meello kale. Goobahaasi waxaa lagu yaqaanay Kaymo qurux badan oo xayawaano kala duwanina ay ku nool yihiin”.

Waxaanu intaas raaciyay “Shirkana waxaa la doonayaa in lagu ogaado meello kale oo sidaas oo kale muhiim u ah. Meelaha qaarkood 20 sanadood in ka badan ayaanu ka shaqaynaynay, oo aanu ilaalinaynay. Dad badana way ka dheregsan yihiin quruxdoodda, iyo faa’iidadoodda.

Waana shirkii u horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto Somaliland. Waxaana la doonayaa in ay ka soo baxdo in goobo kale la cayimo. Goobihii horena la qiimyeeo maxaa lagu kordhin karaa”ayuu yidhi C/rasaaq Libaax.

Geesta kale wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo shirkaasi si rasmi ah u furtay ayaa ka warbixisay waxyaabaha uu shirkani kaga duwanaa kulamadii hore ee ay wasaaradda iyo haayadaha la shaqeeyaa u qaban jireen.

Waxaanay tidhi “Kulankani waxa uu kulamadii hore kaga duwan yahay, maadaama oo ay imika adduunyadii u soo jeedsatay sidii wax looga qaban lahaa isbedelka cimiladda iyo waxyaabaha keenay. Dhibaatooyinka dhacayna waa in xal loo helaa. Caalamka oo dhan-na waxa uu imika iskugu wada tegay sidii xal loogu heli lahaa isbedelka cimiladda. Dhibaatooyinka keenay isbedelka cimiladda waa waxyaabo aynu inagu sababnay”.

Dhinaca kale Axmed Ibraahim Cawaale, guddoomiyaha haayadda wadaniga ah ee Candlelight, ayaa isna ka warbixiyay shirkaasi iyo muhiimadiisa, waxaanu yidhi  “kala duwanaanshiyaha noolaha waxaa loola jeeddaa, nooleyaasha kolba inta ay meel ku wada nool yihiin. Bed-qabka caafimaadkeena, iyo nolosheena ee bini’aadam ahaan, waxay ku xidhan tahay kolba inta aynu hodan ku nahay kala duwanaanshiyaha noole. Kala duwanaanshiyaha noolaha waxaa laga helayaa caafimaad, cunto, hoy baa laga dhigan karaa”.