Noolaha Iyo Fahanka Goobaha Biyaha!

0
97

Dhirtu waxay leedahay awood cajiib ah oo dhowaan la ogaaday.  Koox cilmiga noolaha ku xeeldheer oo ay hogaaminaysay  gabadha Monica Gagliano  oo ka tirsan jaamacadda Austareliya ayaa geedo digir ah ku riday weel loo qaabayay sida xarafka Y oo biyo ku jiraan halka mid labaadna ay ku riday meel ciideedu adag tahay.

 

Haddaba waxa uu soo baxday aqoonayahanadii in xididka geedkaasi uu hadba dhinaca biyuhu ka xigaan uu sii durkayay xataa haddii ay jiraan caqabado kaga gudban sida walxo caag ama balastiik iwm.

Gabadha Monica Gagliano ayaa cadaysay in xididku yaqaano barta uu ka helayo biyaha, waxaana ay sheegtay in dhirtu isticmaasho codka socodka ee ku hagaya goobta uu ka helayo biyo uu isticmaalo.

Daraasadan oo lagu baahiyay Wargeyska Oecologia ayaa cadaysay in dhaman nooluhu u isticmaalo codad iyo habab  uu ku ogaan karo goobta ay biyuhu ka xigaan madaama ay noloshiisa yihiin. Warbixintan ayaa muujisay in dhirtu adeegsato qoyaano ku haga goobaha ay biyuhu ka xigaan haba ka fogaadaane.