Somaliland Maanta meel Wanaagsan ayay Maraysaa.”Drs.Edna Aadan Ismaaciil

0
128

Hargeysa (Dawan):-Drs.Edna Aadan Ismaaciil ayaa ugu baaqday shacabka Somaliland in ay ilaashadaan Midnimadooda.

Drs.Edna Aadan Ismaaciil ayaa  tilmaantay in dalku marayo meel wanaagsan,isla,markaana aan loo baahnayn in dadku isku nacaan doorashooyinka foodda innagu soo haya ee dalka ka qabsoomi doona.

Edna Aadan oo  Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Somaliland  Maanta meel wanaagsan ayay maraysaa dedaalkii aynu ku gaadhnay oo 33 jirsaday,waana in midnimadeena ilaashano iyo wanaageena  .hadii dalkeenu markale cadawga u gacan galo waxa ay innagu ridaysaa meel aynaan ka soo kaban doonin,iyada oo doorasho fooda inagu soo hayso oo la tartami doono.waxa aan rejaynayaa in tartanku noqdo mid   kursiga loo tartamayo,laakiin aanay noqonin tartan wax yeela dalka iyo Umadda.anigu xisbina kuma jiro laakiin waxa aan jecelahay Umadayda oo mid ah oo wanaagsanaada.hala tartamo  oo yaan xaragada laga tegin oo yaan laysku nicin oo wadanka dhaawac loo gaysanin,”.

Sidoo kale Edna Aadan ayaa sheegtay in heshiiska MOU ee Somaliland iyo Itoobiya ay kala saxeexdeen ay keentay gacanta Cadmeed ee badda Somaliland ku taallo.”Meesha ay ku taallo Somaliland ayaa keenay heshiiska MOU ee ay kala saxeexdeen  Somaliland iyo Itoobiya,waxaana ay Somaliland ku taalaa gacanka  Cadmeed  iyo qaaradaha badan ee badeenu  isku xidho,Dp World waatii timid dekeda  Berbera qofkii ka naxayay horumarka Somaliland  qaylada wuu sii badaniyaa,laakiin waxa ay ilowsan yihiin in Umadda Somaliland ka midaysantahay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya in  dhamaystiro,”.ayay tidhi  Edna Aadan.