Wasiiro Ka Shiray Sidii Loo Horumarin Lahaa Shaqooyinka Ay Wadaagaan

0
140

Hargaysa (Dawan) Wasiiradda wasaaradaha Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland ayaa kulan muhiim ah ka yeeshay sidii loo horumarin lahaa hawlaha ay wadaagaan ee ay sida gaarka uga wada shaqeeyaan.

 

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland ayaa waxa aad loogu lafo guray sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa masuuliyiinta iyo wasaaradaha ay madaxda ka yihiin, oo uu ka dhexeeyo xidhiidh wada shaqayneed oo xoogan.

 

Wasiir Axmed Maxamed Habanne, ayaa Xarunta Wasaaradda beeraha ku soo dhaweeyay Wasiirrada Wasaaradaha Xanaanada xoolaha Siciie Sulub Maxamed, deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare, Taliyaha Ciidamada iyo Masuuliyiin Kale.

 

Madaxdan oo uu hor-kacayo Wasiir Habanne, ayaa kormeeray qaybaha Wasaaradda Beeraha, waxayna markaas ka dib yeesheen shir muhiim ah oo ku saabsan hawlaha ay wadaagaan.

 

Masuuliyiintan ayaa isla qaatay in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa wasaaradaha, waxaanay hoosta ka xariiqeen inay muhiim tahay in markasta laga wada hadlo ama la lafo guro hawlaha ay wadaagaan wasaaraduhu iyo sidii looga dhigi lahaa kuwo midho dhala.

Gebo’gaadii wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dalka ayaa leh wada shaqayn joogto ah kuwaasi oo ka wada shaqeeya hawlaha gaarka ah ee ka dhexeeya, waxaanay inta badan wadaagaan shaqooyin ka dhexeeya oo ay wada wadaagaan.