Xildhibaan Gavin Williamson oo sheegay inuu sii wadayo Taageerada Qarannimada Somaliland

0
97

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa dawladda iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyay 33 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland ee xuska 18ka May.

Waxa Xildhibaan Gavin Williamson oo ka mid ah saaxiibbada Somaliland uu dhambaal hambalyo ah u diray Somaliland munaasibada 18ka May darteed.

Xildhibaan Gavin wuxuu sheegay inuu Wanaag u rajaynayo Somaliland oo u debaal-degtay sannad guurada 33aad ee ka soo wareegtay dib xaqiijinta qarannimadeeda.

Mudanuhu wuxuu caddeeyay inuu ku garab taagnaan doono  Somaliland halganka iyo soo dhaweynta horumarka laga sameeyay dhinaca aqoonsi raadinta dalkooda taabogalka ah.

Gavin Williamson  wuxuu intaas ku daray inuu sii wadayo taageeradiisa  Somaliland inta ay ka xaqiiqoobayso inay Somaliland noqoto Jamhuuriyad madaxbannaan.