Waxyaabihiii ku Cusba Xuska 18-ka May ee Caasimada Hargeysa

0
91

Hargeysa (Dawan) Dabaaldega caasimada Hargeysa, ayaa  la  isugu soo baxay  jidka wadnaha ee bartamaha magaalada, oo ay dhinacyadiisa buux dhaafiyeen dadweynaha caasimadu, waxyaabihii ku cusba dhoolatusyada kala duwan ee marayay  waxa ka mid ahaa.

Dowladda hoose ee Caasimada Hargeysa ayay degmooyinkeedu dhoolatusyo kala duwan sameeyeen oo mid waliba wax gaara lahayd, degmo waliba waxay soo bandhigtay dabaaldeg ay is leedahay waxaad ku galaysa kaalinta koowaad.

Degmada Axmed Dhagax waxay dabaaldegeeda ku muujisay maalintii hubka dhigista Somaliland, waxaaney soo qaateen sawiradda hubka dhigista Hargeysa Stadiom, oo ay labada dhinac kaga sawireen Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Degmada Gacma-dheere ayaa ku faantay dhankeeda wax soo saarka beeraha, soona bandhigtay dibidi Qodaalka, iyo cagaf sitayna qudrad iyo dalagyo kala duwan oo wax soo saarka dalka ah.

Degmada Gacan libaax dhankeeda ay soo bandhigtay kuna faantay inay tahay degmada kaliya ee magaceedii wadata oo galbineysay Libaax, kuna darsatay astaanta caasimada Hargeysa ee Buuraha Naasa Hablood, gaadhina ay soo saareen.

Halka markay marayso waxa soo gashay degmada 31 ka May oo ay horkacayaan qolada qaadiriyada oo qasaa’id qaadayay, kaas oo markaliya soo jeedisay dareenkii bulshada u soo dawasho tagey dabaaldega.

Degmada Maxamed Mooge ayaa la timid sawirada haldooro ka baxay Somaliland, oo ay ka mid ahaayeen ALLE haw naxariista Maxamed Mooge oo degmada loogu magacdaray sawirkii, Hadraawi, Aadan Siiro iyo Xaaji Cabdi Waraabe.

Geesta kale xarunta dowladda hoose ee caasimada Hargeysa ayaa fagaraaha jidka halbowlaha marisay gaadiid cusub oo ay ku soo xaradhay heshiiskii is fahan ee ay wada galeen madaxweynaha Somaliland iyo raysal wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale dowladda hoose ee caasimada Hargeysa ayaa waxyaabaha ay soo bandhigtay waxa ku jiray booyadaha Mootooyinka ah oo ay dad danyara u iibisay.

Qaybaha kala duwan ee bulshada caasimada Hargeysa ee marayay dabaaldega oo ahaa kooxo iyo ururo iyo jaamacado qolo waliba sidatay astaanteeda waxyaabihii sida gaarka ah dadka u soo jiitay waxa ka mid ahaa , ururka dahablayaasha dabadyaalka ayaa soo mariyay jidka Dahabkii ay ku iibinayeen suuqyada magaalada Hargeysa.

Baanka dhexe ee JSL, ayaa isna dhankiisa fagaarihii kulmiyay qaybaha kala duwan ee bulshada ku soo bandhigay lacagta Shilinka JSL, oo soojiitay ka soo qayb galayaashii xuska maalinta Qaranimada ee 18 ka May.

Waxa kale oo ku cusba dhakhtarka beerista timaha iyo daaweynta bidaarta oo ah muwaadiniin u dhashay dalka Turkiga

Waxyaabaha kale ee ku cusba ee dabaaldega bulshadu kaga  qayb qaatay, waxa ka mid ahaa koox baaskiilado wadatay oo ka socotay wasaaradda ciyaaraha, soona bandhigtay dhawr kooxood oo ay ka mid yihiin baaskiiladaha, kooxaha lagdanka iyo qalaama rogadka, koox sitan magaca leeb iyo lagdin oo sida ciidanka u tababarnaa.

Waxa kale oo dholatuska macno weyn u sameeyay ardayda dugsiga dhagoolayaasha oo sitay Koobab kubadda gacanta ah oo ay ku guulaysteen iyo calanka JSL, oo ay ku labisnaayeen.

Dhinaca kale waxa maray dabaaldega 33-aad ee JSL fagaaraheeda ee caasimada Hargeysa Ajaanib kala duwan oo kooxa kooxa ah, sitayna calanka Somaliland iyo calamada dalalkooda.

Dhoolatuska ciidamadu waxa uu ahaa mid ka duwan dabaaldegyadii hore waxaaney ku muujiyeen dhisnaanta ciidanka marayay gaardiskiisa, qalabeyntiisa, dirays qaadkooda, waxaaney ciidanku u socdeen waxa maraysay marba in isku dherer ah, waxaana la isugu xidhay urur urur.

Ciidamadu waxa ay soo bandhigeen gaadiidku ugu tirade badna, uguna tayada wanaagsana, waxaana ka mid ahaa oo dadweynihii jidka hareerihiisa taagna soo jiitay Tiknikadii iyo Madaafiicdii ciidanka Qaranku mariyay wadada.

Ciidanka booliska oo aanay dadku aqoon inay tikniko leeyihiin ayaa mariyay oo ku dabaaldegay Tikniko aad u tiro badan.

Ciidanka caasimada Hargeysa ugu jeceshahay ee saacadkasta gurmad u diyaarka ah ciidanka dabdamiska ayaa soo bandhigey gaadiid cusub oo loogu talo galay gurmadka deg dega iyo dab bakhtiinta.