Amarka Xadhiga Maxkamada ICC sida ay Dunidu u Aragtay

0
94

Benjamin Netanyahu ayaa si cadho leh uga jawaabay warka sheegaya in laga yaabo in uu wajaho amar lagu soo xidhayo dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Waxa uu amarka maxkamada ICC ku tilmaamay taariikh xun iyo cadho weyn, waxaana uu weerar shakhsi ah ku qaaday Dacwad Oogaha Maxkamada ICC Karim Khan.

Waxa uu yidhi “Waa cadho akhlaaqeed oo aanay Isreal xaq u lahayn iyada oo dagaal xaq ah kula jirtay Xamaas, oo ah urur argagixiso oo xasuuq ba’an ku haya dadka Yuhuudda ah tan iyo xasuuqii Yuhuudda”.

Weerar shakhsi ah oo qadhaadh, ayuu Mr Netanyahu ku sheegay in Karim Khan uu yahay uu ka mid yahay “nacaybka weyn yuhuuda ee wakhtigan casriga ah.”

Waxa uu Mr Khan barbar dhigay xaakinnadii Nazi-ga Jarmalka ee diiday xuquuqda aasaasiga ah ee Yuhuudda, awoodna u siiyay xasuuqii Holocaust. Go’aankan maxkamada ee lagu dalbanayo in la soo xidho ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo wasiirka gaashaandhigga waxa lagu tilmaamay mid si xun shidaal ugu sii shubay dabkayuhuud  naceybka ee ka socda adduunka oo dhan.

Mr Netanyahu ayaa ku hadlayay luqadda English-ka isaga oo ku hadlayay muuqaalka laga soo saaray xafiiskiisa. Wuxuu taas sameeyaa marka uu rabo in fariintiisu ay gaadho dhageystayaasha ajnabiga ah ee gudaha Maraykanku ugu horeeyo.

Cadhada uu muujiyay ra’iisul wasaaraha, oo ay ka dhawaajiyeen hoggaanka siyaasadeed ee Israa’iil, ayaa ka dhashay bogag luqado sharci ah oo si taxadar leh loo doortay oo uu qoraal ku soo saaray Mr Khan, oo ah madaxa dacwad oogaha ICC oo ah La-taliyaha Boqorka Ingiriiska.

Kelmado iyo sadar ahaanba, waxa qoraalka maxkamada lagu soo saaray eedeymo isdaba joog ah oo ba’an oo ka dhan ah saddexda hoggaamiye ee ugu caansan Xamaas iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhigga Israa’iil.

Go’aanka maxkamadu waa mid sharci ah oo lagu dabaqo sharciga caalamiga ah iyo sharciyada dagaalka hubaysan ee dhammaan dhinacyada, iyada oo aan loo eegin cidda ay yihiin, ayaa ah xudunta hadalka Mr Khan ee uu ku caddaynayo sababtiisa ah in uu dalbado waaran qabasho ah.

“Cid kasta oo ku lug leh denbiyo dagaal ayaa sharciga Maxkamadu qabanayaa” ayaa lagu yidhi go’aan ka maxkamada cadho kastaa ha ka dhalatee. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden isna cadho weyn ka muujiyey waaranka maxkamada waxaana uu ku tilmaamay “wax laga xumaado” in la dalbado waaran qabasho.  Wuxuu sidoo kale diiday in la simo Israa’iil iyo Xamaas isla markaana aanay ahayn kuwo isu dhigma.

Xamaas ayaa dalbatay in eedeymaha laga reebo hogaamiyayaasheeda, iyaga oo ku andacoonaya in dacwad oogaha maxkamada ICC in uu simo dhibbanaha iyo dambiilaha”. Waxay  kale oo sheegtay in dalabka ama Waaranka la soo saaro toddobo bilood ka dib, oo ay Israa’iil geysatay kumannaan dambiyo ah.

Mr Khan si toos ah uma sameeyo isbarbardhigga labada dhinac, marka laga reebo inuu soo bandhigay sheegashadiisa ah inay labadooduba galeen dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in dagaalkan ugu dambeeyay uu ku yimid xaaladda ” iskahorimaad hubeysan oo caalami ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin, iyo iskahorimaad hubaysan oo aan caalami ahayn oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas”.

Maxkamaddu waxay Falastiin ula dhaqantaa sidii dal maadaama ay Qaramada Midoobay ku leedahay maqaam goobjooge ah, taas oo la macno ah inay awood u yeelatay inay saxiixdo heshiiskii Rome ee abuuray maxkamadda ICC. Mr Netanyahu ayaa shaaca ka qaaday in Falastiiniyiintu aanay waligood madax banaani ku heli doonin inta uu joogo.

kooxaha xuquuqul insaanka ayaa bogaadiyay qaabka uu dacwad-oogaha ICC u doonayo inuu sharciga ugu dabaqo labada dhinac. . Btselm, oo ah hormuudka hay’adda xuquuqda aadanaha ee Israa’iil, ayaa sheegtay in amarradan ay calaamad u yihiin “Israa’iil oo si degdeg ah hoos ugu dhacday godka akhlaaqda”.

“Beesha Caalamka waxa ay Israa’iil u muujineysaa in aanay sii wadi karin siyaasaddeeda ku aaddan rabshadaha, dilka iyo burburinta iyada oo aan lala xisaabtamin,” ayay raacisay.

Dadka u ololeeya xuquuqul insaanka ayaa sanado badan ka cabanayey in wadamada awooda badan ee reer galbeedka oo uu ugu horeeyo maraykanku ay indhaha ka qarsadaan ku xad gudubka sharciga caalamiga ah ee Israel,xitaa ay cambaareynayaan oo cunaqabatayn ku hayaan dawlado kale oo aan ku jirin xeradooda.

Tallaabooyinka ay qaadayaan Mr Khan iyo kooxdiisu, waxay rumaysan yihiin, inay yihiin kuwo muddo dheer soo daahay.

Xubnaha la magacaabay ee Falastiin ayaa kala ah Yahya Sinwar oo ah hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza, Mohammed Deif oo ah taliyaha guutada Qassam, garabkeeda milateri iyo Ismaaciil Haniyeh oo ah madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas.