Maraykanka oo Israa’iil ka Difaacay Dalabka Xadhiga ee Maxkamadda ICC

0
87

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa si adag u difaacay Israa’iil, saacado kadib markiii Maxkamadda dambiyada dagaalka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICC, ay soo saartay waaran lagu soo xidhayo raysal wasaare Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisa difaaca oo loo haysto in ay Qasa ka gaysteen dambiyo ka dhan ah bini’aadatinimada.

Biden ayaa meesha ka saaray in dammbiyo isku mid ah ama iska ag-dhowba ay galeen Israa’iil iyo Xamaas. “Waa iska cadahay in Israa’iil ay rabto inay sameyso wax walba oo ay ku xaqiijin karto ilaalinta rayidka,” ayuu hadalkiisa ku daray Mr Biden. Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken ayaa ceeb ku tilmaamay tallaabada ay maxkamaddu qaadday.

Wuxuu ka digay in waaranka ay maxkamaddu soo saartay ee lagu soo xidhayo Netanyahu uu carqalad ku noqon karo dedaallada nabadda lagu raadinayo ee laga dhex wado Israa’iil iyo Xamaas. Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa qudhiisu si cadho leh u cambaareeyay dacwad oogaha maxkamadda ICC-da, waxaana uu meesha ka saaray in “Israa’iil oo dimuqraadi ah” lala barbar dhigo waxa uu ugu yeedhay “dilayaal”.

Dacwad oogaha Maxkamadda dambiyada dagaalka aduunka, Karim Khan, ayaa sheegay in ay jiraan sababo macquul ah oo lagu aamini karo in Mr Netanyahu iyo Wasiirkiisa difaaca Yoav Gallant ay mas’uul ka yihiin dembiyada dagaal iyo dambiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada ee Qasa ka dhacay. Israa’iil iyo Maraykanka, oo ah saaxiibbo aad isugu dhow, ayaan xubin ka ahayn maxkamadda caalamiga ah ee ICC-da.

Hoggaamiyaasha Xamaas ee la doon-doonayo

Dacwad oogaha ICC-da ayaa sidoo kale doonaya in la soo xidho saddex hoggaamiye oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Xamaas. Saddexdaan nin ayaa kala ah madaxa siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyah, Madaxa milatariga kooxda Maxamed Deif iyo Yaxye Sinwar oo ah hoggaamiyaha kooxda ee Qasa.

Mr Khan ayaa ku eedeeyay hogaamiyayaasha Xamaas inay galeen dambiyo ay ka mid yihiin xasuuq, dil, af-duub, kufsi, xadgudub galmo iyo jidhdil. Inta badan eedeymahaan ayaa salka ku haya waxyaabihii dhacay laga soo bilaabo 7-dii Oktoobar, markii mowjado weerarro ah ay Xamaas ku qaadday Israa’iil iyo jawaabtii ay ka bixisay Israa’iil.

Xamaas ayaa mar sii horreysay dalbatay “in la baabi’iyo dhammaan amarrada lagu soo xidhayo hoggaamiyeyaasha iska caabinta Falastiiniyiinta”.

.