Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilladda JSL oo Booqday Barlamaanka gobolka Bremen ee Wadanka Jarmalka

0
89

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan):-Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Wakiilladda JSL Mudane Siciid Mirre Faarax  (Giirre) oo dalka Jarmalka booqasho ku jooga ayaa  shalay booqday barlamaanka gobolka Bremen ee Wadanka jarmalka, waxana xarunta Barlamaan Goboleedka Bremen ku soo dhawaeeyey Xildhibaan  Basem-khan oo ka tirsan xisbiga SPD.

Gudoomiyaha ayaa madaxdii uu la kulmay ee Baarlamaanka kala hadlay in xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal   in kor loo qaado, isla markaana Xildhibaanada baarlamaan goboleedka Bremen ay hormuud ka ka noqdaan aqoonsiga Somaliland.

Geesta kale waxa uu faray in ay xoogga ku saaran dowladda Jarmalka inay Qadiyada Madax-banaanida Somaliland ahmiyad gaara siiso, madaama dawlada Somaliland horumar ballaadhan ku talaabsatay.

Guddoomiye Siciid Faarax waxa kulankiisan ku  wehelinayay xubno ka tirsan  aqoonyahanka iyo waxgaradka reer Somaliland ee degan dalka Jarmalka.