Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddidii Qaban Qaabada 18 May oo Bulshada U Mahad Celiyay

0
68

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo guddidii heer Qaran ee qaban qaabada xuska 18 May oo Hargaysa kulan ku yeeshay ayaa si wayn ugu mahad celiyay guud ahaan shacabka Somaliland dal iyo debadba, sidii wanaagsanayd ee ay uga qayb qaateen debaaldegii xuska maalinta Qaran ee 18 May oo si wayn looga xusay guud ahaan dalka oo dhan iyo daafaha caalamkaba.

 

Gudoomiyaha guddidii qaban qaabada xuska 18 May ahna wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa shabiga Somaliland dal iyo debadba uga mahad celiyay sidii sharafta iyo milgaha lahayd ee ay uga qayb qaateen xuska sanad guuradii 33-aad ee la soo noqoshada badax banaanid Somaliland ee 18 May oo sanadkan si laxaadleh looga xusay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka, sidoo kale ay wacdaro ka dhigeen shucuubta Somaliland eek u nool daafaha caalamka oo si wayn u xusay una wayneeyay maalintan qiimaha badan ee 18 May.

Wasiirka arrimaha gudaha oo ku hadlayay afka guddidii qaban qaabad heer Qarank ee xuska 18 May ayaa sidoo akale waxa uu aad ugu mahad celiyay Ciidamada kala duwan ee dalka oo uu sheegay inay yihiin sharafta iyo haybada dalka, si fiicana uga qayn qaatay xuska 18 May, waxaanu ku bogaadiyay cududii iyo awoodii ay ku soo bandhigeen debaaldega 18 May.

Sidoo kale wasiirka ayaa aad ugu mahad celiyay gudoomiyayaasha gobollada dalka oo uu xusay inay qayb laxaadleh ka qaateen qabsoomida xuska 18 May oo ay kaalintoodii buuxiyeen waxaanu ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay qabteen.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale aad ugu mahad celiyay Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka dhamaan talsiyadooda iyo ciidankii marayay gaardiska, kuwii salaanta bixinayay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka sida wanaagsan ee ay Taliyeyaashu ciidamadu u soo diyaariyeen una soo agaasimeen Ciidanka tiradaasi leh ee gooba marayay.

Dhinaca kale gudoomiyaha guddidii qaban qaabada heer Qaran ee 18 May ayaa aad ugu mahad celiyay dhamaan shaqaalaha wasaaradaha, shirkadaha gaarka loo leeyahay, dawladaha hoose qalabkii iyo shaqaalihii ay kaga qayb qaateen xuska 18 May.

Gudoomiyaha guddidii heer Qaran ee qaban qaabada xuska 18 May ahna wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo u mahad celinayay qaof kasta oo ka qayb qaatay xuska maalita Qaran ee 18 May dal iyo debadba waxa uu yidhi

“waa maalin Qaran, qof kasta oo Qaranka ka mid ah maalintaasi xilbaa saran, waana maalinta Qaranka la qiimeeyo, waana maalinta uu Qaran waliba Qaranimadiisa soo maro, ciidanku waa haybada iyo sharafta Qaranka”.