Somaliland iyo Taiwan oo Kala Saxeexday Heshiiska Sugidda Amniga Xogta Tiknoolajiyadda Qaranka

0
101

Hargaysa (Dawan):-xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Taiwan ayaa kala saxeexday heshiiska mashruuca amniga xogta Tiknoolajiyadda Qaranka, kaas oo lagu horumarinayo kaydka xogta iyo sugida amniga xogta Tiknoolajiyadda Qaranka.

 

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL iyo Xafiiska horumarinta Maalgashigga ee Taiwan ICDF ayaa  shalay oo ay taariikhdu ahayd 22/05/2024 kala saxeexday heshiis taariikhi ah oo lagu hir-gelinayo Dhismaha Mashruuca Xarunta kaydka Xogta iyo Sugidda Amnigga Xogta Tiknoolajiyadda Qaranka (National Data Center and Cyber Security Center).

 

Heshiiskaas oo ay goob-joog ka ahaayeen wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknooljiyadda JSL, Mudane Dr. Ahmed Yusuf Idiris iyo Safiirka dalka Taiwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, Ambassador Allen Lou.

 

Heshiiskan oo ay si rasmi ah u kala saxeexdeen Agaasimaha guud ee wasaaradda, Mudane Yusuf Warsame Hassan iyo Safiir ku-xigeenka dalka Taiwan ee JSL, Mudane Nabil Chen-Chi Wu.

 

Heshiiskan ayaa wax wayn ka tari doona ilaalinta iyo sugid amniga xogta Qaranka oo ay masuul ka tahay wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland, loona baahan yahay inay noqoto mid sugan oo la ilaaliyay.

 

Heshiiskan ayaa ah dedaalada ay wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland ugu jirto sidii loo heli lahaa xogta iyo keydka xogta Qaranka oo ilaashan, isla markaasina amni ah, taasi oo muhiimad wayn u leh guud ahaan Qaranka, maadaama la ilaalinayo xogtii iyo macluumaadkii elektarooniga ahaa ee Qaranka.

 

Saxeexa heshiiskan oo ka qabsoomay xarunta guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta ayaa ku soo dhammaaday si guul ah iyo is af-garad buuxa.