Wasiirka Caafimaadka JSL, oo Soo Kormeeray Xaaladda Shaqo ee Cisbitaalka Ceerigaabo

0
73

Ceerigaabo (Dawan) Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo muddooyinkii u dambeeyey safar shaqo ku joogay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ayaa kormeer iyo indho indhayn ku tagay xaaladda shaqo ee cisbitaalka guud ee magaaladda Ceerigaabo.

 

Ugu horayn wasiirka ayaa mid mid usoo kormeeray qaybaha kala duwan ee cisbitaalka Ceerigaabo si uu ugu kuurgalo habsami u socodka hawlaha shaqo ee cisbitaalka,sidoo kale waxa uu la kulmay bukaanada adeega caafimaad usoo doontay cisbitaalka, isagoo ILLAAHAY uga baryayay in uu caafimaad taam ah siiyo.

 

Dhanka kale wasiir wasaaradda horumarinta Caafimaadka Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa kulan balaadhan la qaatay maamulka caafimaadka ee gobolka Sanaag iyo kan cisbitaalka Ceerigaabo, isagoo ka xog-waraystay xaalada guud ee caafimaadka gobolka iyo habsami-u-socodka hawlaha shaqo ee cisbitaalka guud ee Ceerigaabo, wasiir ayaa kula dardaarmay inay sii dardar-geliyaan hawlaha shaqo ee ay u hayaan bulshadooda.

 

Udeedada kormeerkan u wasiirka Caafimaadka Somaliland ku soo maray Cisbitaalka Ceerigaabo ayaa daarnaa sidii uu wasiirku ugu kuurgali lahaa xaaladda caafimaad ee gobolka Sanaag iyo magaaladda Ceerigaabo, si loo hubiyo shaqo kasta oo ka socota Cisbitaalka iyo xarumaha kale ee caafimaad ee gobolka.

 

Wasiirka horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo maamulka caafimaadka gobolka iyo magaalada Cerigaabo ayaa isla qaatay in la kordhiyo adeegyada caafimaad ee bulshadu tabayaan iyo in kor loo qaado hawlaha shaqo ee dhinaca caafimaadka Cisbitaalka, si loo helo adeeg hufan oo bulshadu kaga haqab beelaan adeegyada caafimaad ee ay meel kale u tagi lahaayeen.

 

Maaha markii ugu horeysay ee wasiirka Caafimaadka Somaliland uu kormeer noocan oo kale ah ku soo maro Cisbitaalka Ceerigaabo iyo guud ahaan xarumaha caafimaad eek u yaala gobolka Sanaag, balse waxa jira kormeero badan oo uu wasiirku ku gaalaabixiyo gobolka iyo magaaladda Ceerigaabo ku waasi oo lagu sugayo hawlaha shaqo ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland.