Maxkamada Sare oo Qaraar soo saartay Urur-siyaasadeedka Shacabka Somaliland

0
67

Hargeysa(Dawan):-Maxkamada sarre Somaliland ayaa qaraar ka soo saartay go,aankii gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka ka soo saareen Khilaafkii Urur  siyaasadedka Shacabka Somaliland.

Maxkamdda sare ayaa qaraarisay in uu dhaqan gal yahay Shirkii Golaha Dhexe Ee ay qabsadeen Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland (SPP) 11/5/2014.

Waxaana uu u dhignaa sidan qaraarka Maxmadda soo saartay.

Qaraarkii  Maxkamadda Sare JSL:-

1. Waxay ogolaatay asbaabta rafcaanka ee ku taariikhaysan 17/02/2024 Ee uu Maxkamadda Sare ee JSL usoo gudbiyay Urur-siyaasadeedka Shacabka Somaa
liland (SPP) iyo dood Afeedka Qareenadiisa.

2. Waxay diiday jawaabcelinta Asbaabta rafcaanka Ee Soo gashay Maxkamadda 04/05/2024 Ee uu Maxkamadda Sare ee JSL usoo gudbiyay Gudoomiyaha Guddida Dilwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka JSL iyo dood Afeedkiisa.

3. Waxaa la Buriyay Go’aanka Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Ee Sumadilsu Tahay GDUS&AAQ/6/24 Ee ku taariikhaysan 14/02/2024.

4. Waxay Maxkamaddu qaraarisay in uu dhaqan gal yahay Shirkii Golaha Dhexe Ee ay qabsadeen Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland (SPP) Taariikhdu Markay ahayd 13/02/2024.

5. Qaraarkani wuxuu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 22/05/2024.

Guddida Garsoorka:

1. C/raxmaan Xasan Nuur

2. Maxamed Cumar Geelle

3. C/qaadir Axmed Maxamuud

Kaaliyaha Maxkamadda Sare JSL “Cumar C/wahaab Siciid.