Nin reer Kenya ah oo Meydkiisa laga helay Buurta Everest

0
62

Qof ka yimid Kenya oo isku dayay inuu kor buurta ugu dheer adduunka ayaa meydkiisa laga helay meel u dhow buurta figteeda ugu saraysa, sida ay sheegeen saraakiisha Nepal Khamiistii.

Meydka Cheruiyot Kirui ayaa laga helay Buurta Everest, sida uu yidhi Khim Lal Gautam, oo ah sarkaal ka tirsan dowladda Nepal oo ku sugan saldhigga saldhig Police oo buurta ah. Ma cadda goorta uu dhintay sababta oo ah goobta uu ku dhintay waa meelaha ugu khatarsan buurta heerka ogsijiinteeduna hooseeyo.

Cheruiyot Kirui, oo ah 40-jir kana shaqeeya Bangiga Ganacsiga ee Kenya, ayaa koritaankiisa si dhow loogala socday Kenya, iyo James Muhia oo isaguna buurta fuulayey ayaa internetka ku soo daabacay warar badan oo ku saabsan isku daygaas.

“Waa maalin murugo leh,” ayuu Muhia Khamiistii ku qortay X. ” Waxay ahaan doontaa wakhti adag.”

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Korir Sing’oei, ayaa sheegay inuu la kulmay Kirui ka hor safarkiisa Nepal, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa mid aan cabsi lahayn oo geesinimo leh.

“Runtii warkan aad ayaan uga naxay,” Sing’oei ayaa ku qoray X. “Waan la socday isku daygiisa ilaa dhamaadkan nasiib darrada ah. Waa ruux aan cabsi lahayn, dhiirran, wuxuuna u taagan yahay rabitaanka dad badan oo Kenyan ah. Waanu tabi doonnaa isaga.”

Saraakiisha ayaa sheegay in in ka badan 450 qof oo doonayanay in ay fuulaan buurta Everest ayaa door bidaya dhinaca Nepal in ay ka koraan xilliga. Saddex qof ayaa la sheegay in ay dhinteen, afar qof oo kalena weli waa la la’yahay koritaankii xilligan, kaas oo ku dhammaanaya maalmo gudahood.

Inta badan fuulitaanka Everest iyo meelaha ugu sarreeya ee Himalayan ee u dhow waxaa la sameeyaa bilaha Abriil iyo May marka xaaladaha cimiladu ay aad u wanaagsan yihiin.