Mucaaradka Mali oo soo Dhisay Dawlad dibad joog ah

0
50

Siyaasiyiinta mucaaradka Mali ayaa Sabtidii sheegay in ay samaysteen dowlad ku meel gaadh ah oo dibad joog ah si ay ula tartamaan midda maamusha dalka, oo ay maamulaan militariga tan iyo afgambi 2020-kii.

Waxay ahayd dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay ee mucaaradka rayidka ah tan iyo markii taliyayaasha militariga Mali ay ku guuldareysteen inay buuxiyaan bishii March oo loo ballansanaa in doorasho la qabto oo ay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

“Golaha shacabka ee kala guurka madaniga ah ayaa doortay xubnaha dowladda,” ayaa lagu ydhi bayaan lagaga dhawaaqay Geneva oo uu ku saxeexnaa siyaasiga musaafuridka ah ee Mali Adaman Traore, oo loo aqoonsaday inuu yahay madaxweynaha dawlada debed jooga ah.

โ€œTani waa dawlada rayidka ah ee kala-guurka, waana tan kaliya ee sharciga ah ee Mali ka jirta,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxa ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhigga loo magacaabay Maxamed Cherif Kone, oo ka mid ahaa siyaasiyiin caan ah oo dibadda ku maqan.

Kornaylada maamula dawladda militeriga ah waxay si adag u xajiyeen awoodda, iyaga oo hakiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed, waxayna af-duub ku ahayaan mucaaradka, saxafiyiinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Maali ayaa tan iyo sanadkii 2012-kii waxa ay gashay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo ay ka dhasheen weerarada jihaad doonka ah iyo kooxaha kale ee hubeysan, iyo sidoo kale halganka gooni u goosadka ah ee ka socda waqooyiga dalkaasi