Qudhaanjada Oo Dawaysa Tukaha!

0
63

Shimbirka Tukuhu marka uu xanuunsado waxa uu dhakhtar ahaan u tagaa isagoo ku duulaya guryaha qudhaanjada. Isla marka uu tago ayuu balaashiisa kala fidiya isagoo si ballaadhan u fadhiista. Waxaana uu Qudhaanjada u ogolaada inay jidhkiisa weerarto.

Qudhaanjada ayaa weerara ku qaada waxaana ay ku buufisaa Formic Acid, oo ay u adeegsato difaaca deegaankeeda.ย  Asiidhkan waxa loo arkay cayayaan dile, fungas iyo jeermiska kala duwan, iyadoo keenta in tukaha uu ka takhalusa cudurada ay keeneen bakteeriya, cayayaanka ama Fayrsaku..

Formic acid (Latin forica ‘ant’), magac ahaan waa methanoic acid, Waxaana muhiim u ah isku dhafka kiimikada ee ay ka kooban tahay waxayna u dhacdaa si dabiici ah, gaar ahaan quraanjada oo adeegsata, oo iskeeda isag leh.

Xagga caafimadkana waxa Caadi ahaan loo isticmaalaa sida Jeermis dile, iyo sunta cayayaanka. Intaa waxaa dheer, waxay keenta bogsashada dhaawaca, daaweynta xaaladaha maqaarka, iyo daaweynta Xanuuno kale. Waxa dhici kartaa in aanad rumaysan Karin laakiin ogow in ay tahay arrin dhab oo baadhisa lagu ogaaday.ย ย  ( Majalada Al-Xawaar).