Khasaaraha Nacasnimada Iyo Caajisku Sababay! Murugada Hindiya Iyo Markabka Qaaliga Ah!

0
63

Marka maraakiibta quusta ah ay u guuraan badda dhismahooda la dhameeyo, waxa ay caadi ahaan u fuliyaan hawshaasi guuradda si taxadar leh, laakiin Markabka kuwa quusa ee xambaara nuyukliyeer oo Hinidya samaysay ayaa sanadkii 2019 ay soo martay waayo-aragnimo gebi ahaanba ka duwan wixii hore. Arrintan ayaa tusaale u noqotay sidaย  mashaariicda waaweyni ugu horseedi karaan burbur iyo khasaare ballaadhan sababo la xidhiidha habacsanaanta iyo caajiska shaqaalaha hawlaha culus.

Sida ay lagu daabacay wargeyska โ€œThe National Interestโ€, markabkii ugu horreeyay ee hubka nukliyeerka ah ee Hindiya waxa uu noqday mid aan shaqayn ka dib markii uu burbur xooggan soo gaadhay, taas oo ay sabab u tahay waxa ay khubaradu u arkeen โ€œqalad biniโ€™aadminimo oo oo fool xun halisna ahโ€.

Warka ayaa sheegay in qaladka dhacay ee Markabka qaaliga ah quusiyay uu ahaa in albaabadiisa mid ka mid ah aan la xidhin. Sidaa awgeedna ay biyuhu ka sooย  galeen qeybta hoose ee markabka โ€œins arahantโ€, e qiimihiisa lagu qiyaasay in uu ku kacay kharash dhanย  2.9 bilyan oo doolar.

Dhacdadan ayaa weji-gabax ku riday ciidamada Hindiya, sababtoo ah waxa uu ahaa Markab in uu awoodo yeesho inuu qaado gantaallada ballistic-ga ee kala duwan