Africa Iyo Gumaysigii Gumaadka

0
63

Kornayl Robert  Denard wuxu ku dhashay April 1929 dalka Faransiiska waxaana uu isticmaali jiray magacyada Gilbaert Bourgeaud iyo Mustafe Madhoub.  Waxa uu caan ku ah oo lagu yaqaanay sida uu u fulin jiray dhamaan hawlihii uu ku taageerayay gumaysigii Faransiiska ee Africa.

Robert Wuxu u noqday isuduwihii siyaasada Africa madaxweyinhii Faransiiska Charles de Gaulle, waxa kale oo uu la sheqeeyay ciidanka Faransiiska ee Aljeriya gumaysanayay. Robert Denard wuxu ahaa calooshiisa u shaqasyte caan ka noqday Afrika oo ujeedadiisu ahayd sidii uu macaash u heli lahaa. Robert waa uu ahaa dagaal ooge halis ah sanadadii 1960 -1995 isagoo ka qayb qaatay dagaalo jabhadeed oo ka dhacay dalal badan oo Afrika ah iyo weliba afgembigii jasiiradaha Comoros ka dhacay.

Robert Waxa uu ka tirsanaa booliiska gumaysiga Faransiiska ee Moroco 1952-1957. Sanadkii 1954 waxa lagu eedeeyay shirqoolkii lagu dilay ra’iisal wasaarihii Faransiiska oo ka tirsanaa xisbiga bidixda fog kaasi oo wakhtigaasi wadahadal kula jiray sidii loo soo afjari lahaa dagaalkii Indochina iyo sidii looga soo bixi lahaa dalka Morroco.

Waxaana uu ahaa nin aaminsan in dilku yahay waxa keliya ee aad isku difaaci karto kana macaashi karto.  Waxaa si weyn loo rumaysan yahay in dilalka iyo rebeshdaha uu Afrika ka waday  uu taageero buuxda kaga helayay dawladda Faransiiska, xitaa ka dib doorashadii 1981 ee musharaxa xisbiga Socialist Party, Mr. François Mitterrand waxa loo sii waday taageerada inuu Afrika dagaalada joogteeyo kana bilaabo dalal badan.. Dhinaca diinta Denard wuxu aaminsana bilowgii hore mad-habta Roman Catholic , laakiin mar danbe ayuu ta Yuhuudda qaatay isagoo mar danbena Islaam uga sii wareegay. Laakiin ugu danbaystii wuxu dib ugu noqday Cathligii. Waxa  uu guusraday dhowr jeer, waxa uu dhalay sideed caruur ah. Robert waxa uu ku dhintay magalaada Baariis ee caasimadda dalka Faransiiska bishii October 13, sanadkii 2007. (revolvy.com).