Guddida Xumaan Reebista Somaliland oo la Kulmay Guddi Hoosaadka Shareecada Golaha Wakiillada JSL

0
69

Hargaysa (Dawan) guddi hoosaadka arrimaha Shareecada iyo qoyska ee golaha wakiillada Somaliland ayaa kulan ugu yeedhay guddida xumaar reebista iyo wanaag farista Somaliland, kaas oo ay kaga wada hadlayeen sidii la isaga kaashan lahaa, dabar goynta dhaqamada xun xun ee dalka ka jira sida diin cayga, fusuqa iyo anshax xumada.

 

Kulanka muhiimka ahaa ayaa waxa guddoominayay gudoomiyaha Guddida Shareecada iyo qoyska ee golaha wakiiladda JSL Xildhibaan Barkhad Jaamaca Batuun oo ay weheliyaan dhammaan xubnaha giddida iyo sidoo kale masuuliyiinta guddida xumaan reebista iyo wanaag farista Somaliland.

 

Gudida wanaag farista ayaa warbixin dheer siiyey guddida shareecada iyo qoyska golaha wakiillada, taasi oo ku saabsan sida ay ula dagaalamaan maandooriyaha, anshax xumada, fusuqa iyo diin cayga oo ay ku hawlan yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

 

Warbixintaas dheer ka dib waxay gudidu u balan qaaday inay abuuri doonaan Xeer Qaran oo lagula dagaalamo arrimahaas kala duwan kaas oo fududaynaya in si wada jir ah oo sharciya wax looga qabto dhamaan falalka la xidhiidha dhinaca dhaqan xumada kuwa ka soo hor jeeda arrimaha diinta Islaamka.

 

Dhankooda guddida shareecada iyo qoyska golaha wakiillada ayaa ku bogaadiyay guddida wanaag farista iyo xumaan reebista kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan bulshada iyo sida ay ugu hawlan yihiin inay wax ka qabtaan ama ay cidhib tiraan dhaqan xumada iyo waxyaabaha wax u dhimaya qiyamka buldhada.

 

Gebo’gabadii kulankan ayaa ujeedooyinkiisa waxaa ka mid ahaa in labada guddi ee wada shaqayntu ka dhaxaysaa ay is bartaan sidoo kalena kala war qaataan maadaama guddida shareecada golaha wakiilladu ay cusub yihiin oo dhawaan la magacaabay.