Komishanka Maamul Wanaag oo Doortay Guddoomiye ku Xigeen Cusub

0
88

Hargaysa (Dawa) Xubnaha Komishanka Maamul Wanaaga Jmahuuriyadda Somaliland ayaa  doortay Gudoomiye ku- xigeen cusub, kaas oo ka mid noqon doona hoggaanka Komishanka maamul wanaag Somaliland.

 

kulan ay maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 28/05/2024 isugu yimaadeen xubnaha Komishanka Maamul Wanaaga ayay ku doorteen Gudoomiye Ku-Xigeenka Komishanka Mudane Naasir Ay-jeex Jaamac.

 

Madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi ayaa dhawaan u soo magacaabay laba xubnood cusub Komishanka Maamul Wanaaga JSL iyada oo ay banaanatay Jagada gudoomiye ku xigeenka komishanku.

 

Doorashadaasi gudoomiye ku xigeenka ayay xubnuhu u raaceen sida uu xeerka komishanka xeer Lr 58/2012, qodobkiisa 7aad , farqadiisa 4aad oo dhigaysa in gudoonka komishanka ay doortaan xubnaha komishanku.

 

dhammaan xubnaha komishanka ayaa kulanka ka soo xaadiray iyada oo halkaas uu dhankiisa ka mahad celiyay gudoomiye ku xigeenka cusub ee sida aqlabiyada ah ee ay ugu doorteen xubnuhu.